Sida ay sheegatay dalka la magac baxay Somaliland dalka Faransiiska ayaa ka codsaday inuu deegaankooda ka sameeysto saldhig ciidanka oo lamida kii Faransiska uu horay ugu lahaa dalka Mali. Somaliland ayaa sheegtay inay ka diiday codsi la xiriiray inay saldhig Ciidanka ka furato Somaliland.
Bogcada istaraatajiga ah ee ay Somaliland ku taallo ayaa sababtay in dawladaha reer galbeedku ay soo hawaystaan inay saldhiga ciidan ka sameystaan, si ay uga hortagaan is ballaadhinta dawladda Shiinaha oo sii xoojiyay xuduudaha uu la leeyahay Afrika oo uu siyaasiyin xilligan aad ugu soo jeedo.
Sida lagu qoray warbaahinta Geeska Africa gaar ahaan Reliable Horn News Somaliland ayaa ka mid noqotay dalal badan oo Afrikaan ah oo gaashaanka ku dhuftay codsi la xiriiray in saldhig millatari uu Faransiisku ka furto dalalkooda.