Somaliland oo sheegtay in 6,800 oo qof uu ku dhici doono CaronaVirus

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Somaliland ayaa shaacisay tirada dadka uu ku dhici karo xanuunka Covid-19 Iyo  Lacagaha ay u baahan tahay si lola tacaalo.Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa soo saartay qorshe qaran oo loogu magac daray “Qorshaha Heer Qaran ee U Diyaar Garawga iyo Ka Jawaabista Covid 19” oo loogu talo galay in qaranku ku shaqeeyo muddoda u dhaxaysa Bishan April illaa Diisambar 2020.

Qorshaha dowlada aya lagu sheegay in uu ku kacayso lacag ka badan $15 Milyan oo doollarka Maraykanka Dowlada  Somaliland aya beesha  Caalamka, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Daneeyayaasha Caafimaadka iyo Xukuumadda Somaliland ugu baaqday in ay qaadhaankoodaku daraan sidii loo fulin lahaa qorshahan.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa ku qiyaastay dadka reer   Somaliland ee uu ku dhici doono cudurkaan  6,800 oo qod kuwaas oo  baahnaan doona Cisbitaallo, daryeello caafimaad iyo adeegyo kaleba.