Somaliland oo sheegatay inay qabatay gaari saad & hub u siday Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada  Somaliland ayaa sheegay in ay saakay gacanta ku dhigeen gaari siday Hub iyo Saad loo waday  Maleeshiyada  beesha Dhulbante ee ka dagaalamaya  Magaalada Laascaanood.

Saadkan iyo hubkan ayay wararku sheegayaan inuu ku rarnaa gaari weyn oo nooca Waaraadka ah, inkasoo ilaa iyo hada aanay ciidamada Qaranku faahfaahin ka bixin. Sidoo kale waxa ay Somaliland shaagatay  in la qabtay Ciidamo ka yimid dowlad goboleedka Puntland.