Dowlada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in iyada oo kaashanaysa shirkado iyo wadamo shisheeye ay ka bilaabeyso Gobolka Togdheer, tuulada Xood qoditaanka ceelkii shidaal ee ugu horeeyay.
Dowlada Somaliland ayaa ku wargalisay qorshaheeda xildhibaanada iyo aqoonyanada ka soo jeedo Gobolka Togdheer, waxa ayna ku casuuntay inay ka soo qayb galaan xaflada daahfurka ee qodista ceelka shidaal.
Dhowr deegaan oo ka tirsan Somaliland ayaa horay looga helay shidaal, laakiin dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay shirkadaha doonaya inay Somaliland shidaal ka baaraan ama soo saaraan ay soo maraan dowlada Federaalka ee Muqdisho.
Dowlada Federaal ayaa horay digniin ugu dirtay shirkada Total Energy oo doonaysay inay shidaal ka baarto Somaliland.
Halkaan ka aqriso qoraal ka soo baxay Somaliland: