Somaliland oo Musuq Maasuq Ku Edeysay Raii’sul Wasaare Kheyre Iyo Shirkad Shidaal uu leyahay Kheyre oo Somaliland Ka Shaqeysa

Reading Time: 2 minutes

Guddiga dabagalka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Berbera ayaa Maanta booqday Keydka haamaha ee Dekada Berbera.

Guddiga ayaa waxaa hogagaminayay xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka mid ah Guddigaas,waxa uuna sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu saami ku leeyahay Shirkada laga kireeyey Keydka Haamaha shidaalka Dekada Berbera ee Berbera oil Group.

“waxaa noosoo baxday in ay khatar ku jirto hamaha shidaalka Berbero,waayo waxaa jiro cadaw ka faa’iideysanayo Shirkadan ku buhoobay halkaan oo intooda badan laheynba cida leh ayna diideen in ay sheegaan Berbera Oil Group,waxan xaqiiqsanay in ra’iisul Wasaaraha Soomaliya uu qeyb ku leeyahay ayuu yiri Xildhibaanka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa horay Saami ugu lahaa Shirkadda Som oil and Gas waaxase jira in uu diyaarinaayo qorshoyaal uu celasha Gaaska Soomaaliya ugu gacan galinaayo Shirkada uu saamiga ku leeyahay..

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!