Somaliland oo markale ku celisay inay xabad-joojintii dhinaceeda wali jirto

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Somaliland ayaa sheegtay inay xabad-joojin dhinaceeda ah wali jirto,xili saaka ay  magaalada Laascaano uu ka socda dagaal xiigan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in ay taageerayaan Ergo nabdeed ee uu u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo ay sheegeen in ay kusugan yihiin gobalka Sool.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Somaliland.

WAR-SAAFADEED

Hargeysa-21-2-2023-() Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo ka duulaysa xabad joojintii ay ku dhawaaqday, taageeraysana Ergada Nabada ee sugan Gobolka Sool, kuwaasoo ka kooban Madax Dhaqameedka Somaliland, ayna muuqato rajo fiican oo laga qabo in guul laga gaadho colaada Magaalada Laascaanood.

Hadaba si ay isu hortaagaan hirgelinta nabada iyo xabad joojinta ayay saaka kooxo hubaysani weerar ballaadhan ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood, Ciidanka Qaranka ayaa iska difaacay weerarka lagu soo qaaday.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo fulinaya xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday awgweed waxay ku jiraan isdifaac, marnaba Ciidanka Qaranku weerar maaha.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku celinaysaa in loo hogaasamo xabad joojinta, lana aqbalo Ergada Nabada ee ku Sugan Gobolka Sool.