Somaliland oo kulankii maanta u isticmaashay iibinta qadiyadeeda (Sawiro)

Reading Time: 2 minutes

Iyada oo ay Dowlada Fedaraalka ayan soo xaadir kulankii maanta looga hadalayay arimaha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa  wafdigi Somaliland  oo horay ugu sugnaa magaalada Nairobi waxa ay kulankii maanta u istcimaaleen in ay kula kula kulmaan Wakiillo ka socda beesha Caalamka si ay uga iibiyaan qadiya Somaliland.

Wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cumar Cawil sheegay dowladda Federaalka ah ku eedeeyay in ay diiddantahay ka qeybgalka shirkaas waxaana uu sheegay in uu ka xunyahay go’aanka dowladda Soomaaliya ku diiday shirka Nairobi.

Dowlada Soomaaliya oo horay u ogolaatay in ay ka qaybgasho kulaankaas ayaa sheegay in ayan ka qaybgalaynin iyaga oo aan faahfaahin sababta ayan ugu qaybglaynin kulanka.

Kulankii maanta ayaa waxaa ka qeybgalay wakiillada Somaliland iyo kuwa Beesha Caalamka iyada oo uu kulanka xilli ay ka maqantahay dowladda Federaalka ah ee SOomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland ayaa sheegay in ay fursada maanta ay u isticmaaleen in ay beesha caalamka ka iibiyaan qadiyada Somaliland ee gooni isku taagada.