Somaliland oo ku hanjabtay in ciidankeeda gacanta ku hayn doono Laascaanood (SSC)

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha Guud ee Ciidanka Milateriga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, oo ay Wehelinayaan Saraakiisha Kale Ciidamada ayaa Ka Hadlay Xaalada Nabadgelyo ee Gobolka Sool. Xaalada Laacaanood ayaan ilaa hada  Somaliland aanay xal ay ku dejiso uhelin, waxaana magaalada laascaanood laga taagay calanka Buluuga ah ee Somaliya iyo sidoo kale calanka Khaatumo.

Hore ayaa ciidanka Somaliland loogu eedeeyay inay shacabka Laacaanood la dheceen rasaar Nool, taasi oo ay dadkii lagu eedeeyay inay Milatarigu laayeen ay xukuumada Somaliland sheegtay inay bixinayso Magtooda.

Taliyaha  Gen. Nuux Taani oo Warbaahinta kula hadlay Taliska Gooja-cadde ee duleedka Laascaanood ayaa shaaciyay in aysan dheg u dhigi doonin baaqa lagu dalbanayo in ay ka baxaan SSC.

Taliye Taani ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland shaqadooda qabsanayaan islamarkaana aysan dheg jalaq u siin doonin hadallada Garaadada oo uu ku tilmaamay deel-qaaf. Taliyaha Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in gaadiidkii dagaal iyo ciidamadii ay Laascaanood la soo galeen Isimada SSC ay ahaayeen kuwa Somaliland.