Wasiiradda Gaashaandhiga, Arrimaha gudaha, Warfaafinta iyo Xanaanada Xoolaha ee Somaliland oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa Laascaanood, balse saakadii hore ka tagey, loona xilsaaray kiiskeeda ayaa sheegay in ay xabadjoojin sameeyeen.
Hayeeshee, isla qoralkana waxay ku sheegeen in aysan awalba iyagu weerar aheyn oo lagu soo qaaday, taas oo muujinaysa in dhinacyadu aysan daacad ka aheyn sheegida nabadda.
Wasiirada ayaa ka baxay saldhig ay daganayeen oo kuyaala duleedka Laascaano, waxayna tageen magaalada, Caynaba, Burco iyo Hargeysa, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay dhaqanka, siyaasiyiinta Somaliland ay ku jireen shirar aan loo kala kicin.