Somaliland oo ku dhawaaqday in ay diyaargarow galisay ciidankeeda

Taliyaha ciidanka qaranka somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa fariimo hanjabaado ah u diray deegaamada Puntland gaar ahaan gobolka Sool oo muddooyinkaan laysku horfahdiyey.

Taliyaha ayaa ku dhawaaqay in dagaal ay ku qaadi doonaan ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Tukaraq, wuxuuna sheegay deegaano ay qabsan doonaan isaga oo hoosta ka xariiqay in dowladda Puntland ay waddo daan daansi sida uu hadalka u dhigay.

“kuwa aan wax la doonayna waxba ma xeerinayaan waxa ay nagu kelifaysaa in aanu halkooda ku doonano hadii ay joojin waayaan tuur tuurka” Taliyaha Ciidanka Somaliland.

In mudo ah ayaa ciidamo ka socda laba dhinac isku horfhadhiyeen deegaanka Tukaraq, waxaana aad looga cabsi qabaa in dagaal halkaa dib uga soo cusboonaado.

Advertisements
Xayeeysiin