Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay dagaal toos ah ku qaadeyso Magaalada Laascaanood iyo Qorshe milateri oo ka dhan ah Puntland.
Afhayeenka milateriga Somaliland Cabdi Dheere, ayaa sheegay in ciidamada Somaliland maanta laga bilaabo qaadi doonaan tallaabooyin millateri oo qorshaysan, kadib muddo ay xabbad joojin iyo is-difaac ku jireen.
Wuxuu Afhayeenka intaas ku aray in horey Ciidamada Somaliland markasta ahaayeen difaac, balse aanay arrintaasi suurtagal ahayn wixii hadda ka danbeeya markii Puntland ay dagaalka soo gashay.
Wuxuu ku eedeeyay Puntland iyo iidamda PSF inay dagaalka Sool ku jiraan, isagoo ku hanajbay inay weerarri doonaan halka laga soo abaabulayo ciidamadaasi ee Boosaaso.
Warkan ayaa yimid iyadoo maanta uu dagaal culus oo saacado badan qaatay uu ka dhacay duleedka Laascaanood, waxaana la sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu gaaray saldhigyada ciidamadiisa fadhiyaan.