Somaliland oo ka maqan dacaayadaha dagaalka & Warbaahintii Farmaajo oo ku jira dagaalka

Reading Time: < 1 minute

Waxa muuqata in dowladda a Somaliland looga itaal roonaaday dagaalka warbaahinta iyo dacaayadaha dagaalka, gaar ahaan kan ka socda baraha Bulshada.

Guud ahaan dhanka dacaadayadaha dagaalka ayaa waxa gabi ahaanba ka maqan kooxaha taageero dowlada Somaliland ama shaqsiyaadka taageersan siyaasadda gooni isku taaga Somaliland. Waxa ayba u muqataa inayan xil iska saartin iibinta qadiyadeeda siyaasadeed iyo dhibka ka jira Laascaanood.

Kooxaha dacaayada uga shaqeeyn jiray madaxeynihiii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Fahad Yaasin ayaa si buuxda loo holw galiyay, taas oo u suuragalisay dhaqanka iyo siyaasiyiinta  reer SSC inay helaan taageero gudaha iyo mid dibada ah.

Farmaajo iyo Fahad ayaa dhaqaale badan  ku bixiyay. Waxaana lacag loo tuuraa dhamaan kooxihii Farmaajo la shaqayn jiray.   Marka aad daawato dagaalka ka socda baraha bulshada waxaad arkeysaa kooxii loogu magac daray CBB oo si buuxda u taageerayo qadiyada Laascaanood iyo tan reer SSC. Waxaa loo soo dhibaa fartiimo ay si wadajira u qaybiyaan.

Hadii ayan Somaliland si buuxda waqti u galin dhanka dacaayad waxaa soo deg degi doona guuldaradooda. Waxaan shaki ku jirin in midnimada ka muqata beesh Dhulbahante uu qeyb weyn ku lahaayeen warbaahinta iyo kooxaha ka shaqeeya baraha bulshada.