Somaliland oo ka hor timid go’aankii Shirkii Badda Cas ee lagu qabtay Riyaad

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Somaliland ayaa sheegtay in maanka xeebaha Somaliland ayan u dabo-fadhiisanaynin cid kale, waxaanay shaacisay in iskaashi kasta oo ay sameeyaan dalalka Gobolku aanu dhammaystirnayn haddii aanay Somaliland ku jirin.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay maanta Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo soo gaadhay Shabakada MOL, Waxaana Xukuumaddu ku caddeysay mowqifkeeda la xidhiidha isbahaysiga ay ku dhawaaqeen lix dal oo ka mid ah kuwa mandaqada Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, waxaanu u qornaa sidan:-

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay tixgelinaysaa isbahaysigii ay dhowaan aasaaseen lix dal oo ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ah Aag Istaraatiiji ah iyo marin biyood caalamiya, iskaashiga waddamadaasi maaha mid dhammaystiran maadaama oo aanay Somaliland ku jirin. Somaliland waxay ku guulaystay inay ka ilaaliso dhulkeeda iyo xeebteeda Argagixisada iyo budhcad baddeeda, umana dabo-fadhiisanayso ilaalinta ammaanka xeebaheeda oo dhererkoodu yihiin 850km dal kale.

Somaliland ayaa sheegata un ay tahay  dal madax-bannaan oo xor ah, heshiis kasta oo ay wada galaan dalalka gobolku oo Somaliland ka dhigaya qayb ka mid ah Soomaaliya waa khalad iyo wax aanay Somaliland aqbali karin.