DAAWO: Somaliland oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadalkii Raisul Wasaare Kheyre ee Heshiiskii Dekeda Berbera

Reading Time: < 1 minute

Todobadki hore dhamadkiisa xili ay dalka imaaraatka Carabta ay heshiis sadex geesood ah ku kala saxiixdeen Soomaliland , Ethopia iyo shirkadda DPWorld islamarkaana dowladda federalka Soomaaliya ku tilmaamtay sharci darro ayaa ay Soomaaliland ka hadashay warka ka soo yeeray dowladda dhexe.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo ayaa si kulul uga hadlay Go’aankii dowladda Soomaaliya ee ku aadanaa dekedda Berbera.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka khuseyn dowladda Soomaaliya heshiiska Dekedda Berbera.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay tahay wax laga xumaado hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa in uu Sharci daro yahay heshiiska Berbera, isaga oo intaas ku daray in dalalka deriska ah iyo Caalamkaba ay ogyihiin in Somaliland ay ka go’day Somaliya.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQALKA