Sida ay sheegyaan wararka naga soo gaarayaan magaalada Hargeysa, Dowlada Somaliland ayaa ka biyi-diiday la lakulanka odoyaasha dhaqanka ee ka yimid Muqdisho. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sida la xaqiijinayo amar ku bixiyay in aysan Somaliland soo gelin ergada nabad-raadinta ee ka timid koonfurta Soomaaliya.
Somaliland weli kama hadlin sababta ay ku diiday ergada nabad-raadinta colaadda Laascaanood oo sida ergadu sheegtay ka madax-bannaan arrima siyaasadeed. Ergadan oo ka kooban odayaasha dhaqanka beelaha koonfurta Soomaaliya ayaa raadinaya in xal nabadeed lagu dhameeyo colaadda Laascaanood.
Odayaasha oo shalay soo gaaray magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in ay u sii gudbaan dhinaca magaalada Laascaanood.