Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay suuqa xorta ah ee Aagga cashuuraha ka caaggan oo laga bineeyey duleedka galbeed ee magaalada Berbera.
Munaasibadda xadhig-ka-jarka oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen shir-guddoonka golaha Baarlamaanka, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud, qaar kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, guddoomiyaha shirkadda DP-world, wakiillo ka socday shirkado kala duwan oo iska diiwaangeliyey suuqan xorta ah, madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah, madaxda gobolka Saaxil, qaar kamid ah maayarrada Somaliland, Maareeyaha Dekedaha Somaliland iyo Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone-ka, ganacsato, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.
Guddoomiyaha shirkadda DP-word, mr. Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa guul weyn ku tilmaamay dhammaystirka suuqa xorta ah oo ay in badan Somaliland sugaysay, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay kor u qaadayso dhaqdhaqaaqa ganacsiga Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa sharraxay waxyaabaha uu suuqani usoo kordhinayo iyo faa’iidooyinka ugu jira bulshada reer Somaliland, waxana uu yidhi,“Daah-furka suuqani waxa uu abuurayaa fursado ganacsi, shaqo abuur, korodhsi aqoon farsamo, mid maamul, mid adeeg, is-dhexgalka iyo wax-wada-qabsiga caalamka.”