Somaliland oo ciidan gurmad ah geeysay Tuulada Samakaab, Gobolka Sool

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Somaliland ayaa saacadihii u danbeeyay ciidan gurmad xoojin ah kgeeyssay degaanka Tuulo Samakaab ee Gobolka Sool.

Ciidankaas oo ku gaashaaman noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka ayaa lagu xoojiyay saldhig ay halkaas ku lee yihiin ciidamo ka tirsan Somaliland oo ay weheliyaan askar ka amar qaata Mahad Cambaashe.

Kala shaki xooggan ayaa sida la sheegayo ka dhex jira ciidamada Somaliland iyo askarta Mahad Cambaashe ee ku wada sugan Tuulo Samakaab. Ciidanka Somaliland ee fadhiya Tuulo Samakaab ayaa la rumaysan yahay in ay ilaalo ka hayaan askarta Mahad Cambaashe iyo gaadiidkooda oo laga cabsi qabo in ay goostaan.

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Somaliland wajahayso culays kaga imaanaya xoogag ka tirsan SSC-Khaatumo oo dhanka koonfurta kaga siqaya degaannada dhaca galbeedka Sool.