Dowlada Somaliland ayaa la sheegay inay bilaawday baaritaan lagu sameeynayo dugsiga Abaarso iyo Jaamacada Barwaaqo ee ay dul hoganayaan fadeexadaha la xidhiidha dhaqanada ka soo horjeedaa diinta islaamka.
Sida ay sheegayaan warar soo baxay dwolada Somaliland ayaa lix masuul oo ka kala socda wasaaradaha waxbarashada iyo Diinta ayu saartay baadhitaankaasi, kuwaas oo uu hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaarada diinta Aadan Cabdilaahi Cabdala. guddidaasi ayey wararku sheegayaan inay hada si rasmi ah u bilaabeen baadhitaanada ka dhanka ah jaamacada Barwaaqo iyo dugsigeeda Abaarso, kuwaas oo la dhawrayo natiijada ay ka soo saaraan hawshaasi loo xil saaray.
Dhanka kale waxay su,aali ka taagan tahay sida ay macquulka u tahay in baadhitaankooda ay ku soo saaraan natiijo ka hor imanaysa midii uu hore u shaaciyey Muuse Biixi ee uu ku sheegay in sahamin uu ku sameeyey hay’addahaasi waxbarasho uu ku ogaaday inaanay waxba ka jirin dhaliilaha loo jeedinayaa.