Madaxweynaha Dowlada la magacbaxday Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saaray aramo cusub oo dhaqaale loogu aruurinayo dowlada Somaliland kadib markii mar qura uu burbur dhaqaale ku yimid dhaqaalaha Somaliland.
Madaxweyneha ayaa amray in gabi ahaanba la-laalo canshuur dhaafkii loo sameyn jiray ganacsatada kasoo jeeda deegaannada maamulkaas, ee badeecooyinka iyo agabka kale ee ay keenayaan Somaliland.
Waraaq kasoo baxday Wasiirka Hormarinta Maaliyadda maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa lagu sheegay in isaga oo fulinaya Amarka Madaxweyne Biixi uu hakiyay dhamaan canshuur dhaafka aan daruuriga aheyn ee loo sameyn jiray ganacsatada Somaliland.
Canshuur-dhaafyada laga joojiyay ganacsatada maamulka Somaliland ayaa waxaa kamid ah:
A. Canshuur-dhaafyada kusoo baxay siyaasadda Maasaaniyadda 2023
B. Canshuur-dhaafyada kusoo baxay wareegto Madaxweyne ama wasiir
C. Canshuur-dhaafyada alaabaha ceyriin ee warshadaha ee aheyn qalabka
D. Canshuur-dhaafyada shooladaha gaaska naqaska lagu isticmaalo ee aan ahayn gaaska caadiga ah
Sidoo kale, Muuse Biixi ayaa amray in ganacsatada lagu kordhiyo canshuuraha badeecadaha ay soo dajiyaan, si loogu helo dhaqaale howlaha socodsiinta maamulka iyo dagaalka ciidamadiisu kula jiraan dadka SSC oo ka horyimid in maamulkaas joogo deegaanadooda.
Shalay, Wasiirka Horumarinta Beeraha ayaa sheegay in dhaqaaluhu Sagxada yahay oo aan la awoodin bixinta mushahaaradka Wasiiradda, mashaariicdii lafulinayay lajoojiyey gabi ahaanba dagaalka awgiis, Dekeda BerBera iyo Suuqii Wajaalena ay xiran yihiin.