Somaliland iyo Puntland oo Dagaalamay Kadib Wanwantii Michael Keating ee Biixi Iyo Gaas

Reading Time: < 1 minute

Waxa saakay Deeganka Tukaraq uu iska horimaad Kooban in uu ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland waxana .

Iska horimaadka ayaa ka dhacay meel banaanka ka ah degaanka Tukaraq oo soo xigta dhanka Puntland, waxaana la sheegay in labadda ciidan ay isku dhaceen in ay ku jireen howlgal ciidamada Somaliland.

Xaaladda degaanka Tukaraq ayaa hadda degan, balse waxaa jirta wali Xiisad colaadeed.

Saraakiisha ciidamada degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin Khasaare ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay degaanka Tukaraq.

Iska horimaadkaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay Qaramadda Midoobey ay waday dadaallo Nabadeed oo ku aadan sidii ciidamada halkaasi ku sugan loo kala qaadi lahaa.