Kulan ay isugu yimaden Golaha Wasiirada Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, isla markaana uu goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa si baaxad leh loogaga dooday arrimo door ah oo ku saabsan hawlaha Somali-land ee goluhu u xilsaaran yahay iyo ka midho-dhalinta himilada guud ee Soomali-land leedahay.
Ugu dambayntii waxa kulanka laga soo saaray saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas nuxurkoodu ahaa sidatan:
1.Waxa guddi loo saaray hirgelinta Barnaamijka Shaqo-qaran oo kamid ahaa tiirarkii muhiimka ahaa ee Barnaamij-siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE ku galay doorashooyinkii madaxtinimo ee qabsoomay sanadkii dhammaaday ee 2017-kii, kuwaas oo soo qorshayn doona qaabkii loo hirgelin lahaa mashruucaas, si muwaadiniinta Somaliland loogu jiheeyo horumarinta dalkooda, loona gaadho isku filnaansho, waxana ay guddidani kala yihiin:
Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Maaliyadda, Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi, Waxbarashada, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(Faro-toon), Shaqo-gelinta iyo arrimaha Bulshada, Marwo Hinda Jaamac Gaanni iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland, Mudane Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle.
2.In hay’adaha laga leeyahay Soomaaliya aanay wax mashruuc ah ka fulin Karin gudaha Somaliland, isla markaana aanay ka hawlgeli karin.
3.In wasaaradaha arrimaha gudaha iyo gaashaandhiggu ka hawlgalaan la dagaallanka aafada Tahriibta, iyada oo cidkasta ku hawllan aafadaasna sharciga la marin doono.