Soomaalida u dhimatay cudurka CaronaVirus ee dalka Ingiriiska oo sii badanaya

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maalinba maalinta ka danbeeysa sii badanaya dadka Soomaaliyeed ee u dhimanaya cudurka CaronaVirus ee ku dhaqan dalka Ingriiska, Wararka naga soo gaaraya dalka ingiriiska ayaa sheegaya in dhibaato la soo daristay jaaliyada Soomaalida ku dhaqan magaalada London ee dalkaasi.  Waxaa la xaqiijiyay in dad ka badan 40 qof oo Soomaali ah ah ku dhinteen magaalooyinka,  London,  Leicester, Birmingham labadii asbuucan ee la soo dhaafay,.

Tiusaale waxaa noga filay, taariikhdu  taariikhda ahayd 24-ka bisha March waxaa magaalada London ku geeriyooday Abdikadir Maxamed Farah ku magac dheer Biriq, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday cudurka Coronavirus sida ay sheegeen ehelkiisa, sidoo kale Abdikadir Maxamed (Biriq) wuxuu ahaay cayaartoy dheeli jiray kubada cagta, wuxuuna caan ku ahaay geyiga Soomaaliyeed intuusan dalku burburin.

Dhinaca kale waxaa 27kii bisha March isla magaalada London ku geeriyooday Axmed Caynaashe iyo Maxamed cilmi oo ahaay laba ganacsato ku caan ah magaalada London, waxaana la sheegay in labada marxuum ay u dhinteen cudurka Coronavirus. Dhiimashada naxdinta leh soo gaaray dadkan ayaa aad looga naxay, waxaana laga cabsi qabaa inuu cudurkan kusii faafo Soomaalida kunool magaalada London ee dalka Ingriiska.

Dadka Soomaaliyeed ayaa isugu taga goobaha uu ku faafo cudurka Caronaha ayaga oo iska dhagatira digniinta dowlada Ingiriiska.