Somalida maa ka Dadnimo xun reer Aljeeriya, CXD Somaliyeedsa ma ka liitaan kuwa Aljeeriya? Akhriso

Reading Time: 3 minutes

Banaabaxyo aan waxba lagu kharribin waxay dadka reer Aljeeriya talada kaga maroojiyeen MW haysata ciidan xoog leh, isla markaana awood buuxda leh Cabducaziz Boutufliqa, hasa yeeshe Shacbiga Muqdisho waxay iska duqaadi la’yihiin laba aysan jirin cid u daacad ah , kuwa laaluush a qaata maahee waa Farmajo iyo Kheyre. Dadka Somaliyeed ha barteen in xukunka ay mar waliba dadku leeyihiin ee aysan jirin cid isku dhajin karta sida dadka Masar oo Xusni iska tuuray, iyo kuwa Aleeriya.

 Dadka reer Aljeriya waxay go’aansadeen inay iska dulqaadaan koox dhibaato ku haysay shacbigaasa oo nolosha ku adkesay waa madaxweynahoda  iyo koox uu sidaan oo kale u laaluushi jiray. Haddaba waa maxay sababta aysan Shacbiga Somaliyeed isaga dulqaadi Karin labadan dalka baabi’iyey ee Farmajo iyo Kheyre? Waa doqoniimo iyo iyagoon ogeyn inay si aad ah u fududahay.

Sidoo kale CXD Somalyeed ma waxay ka niyad iyo dadnimo liitaan ciidan Xooga Dalkaas Aljeeriya oo shacabka u ballanqaaday inaysan u adkeysan Karin cid shacbigooda dhaawaceysa sidaas darted u caddeeyey inay shacbiga taageeri doonaan.

Qori looma qaadan, xabado lama ridin ee waxaa kaliya Boutufliqa lagu riday waa bannanbaxyo dariiqyada Caasimadda la isugu soo baxay oo gacmaha la isqabsaday loona midoobay in dhibaatada la iska dulqaado.

Xamar waxaa laga dhigay meel ay adag tahay mid xoog leh iyo mid xamaashaaba aysan ku noolaan Karin, mid tuugsadaa iyo mid tacbada, mid ganacsada iyo mid wax soo gurtaa dhammaantood caruurtooda waxay u dhimanayaan gaajo iyo in wax magaalada dhinac kale ka yaalla oo aysan soo qabasan Karin kadib markii jid kastaa laga xeray.

Haddaba qofku laba jeer ma dhinto hal mar ayuu dhintaa shacbiga ha iska dulqaadeen culeyskan oo ku filan  inay ku ridaan dhowr saacadood oo ay bannaanbaxyo ka qeybgalaan muujiyaanna dareenkooda iyo rabitaankooda.

Haddaii Sadiq Joon iyo Yariisow ay diidi karaan in hilibkii lagu soo qalay kawaanka bari in suuqyada Xamar  la keeno oo ay ka joojiyeen, berrina waxaa xigi doona in biyaha laga joojiyo Xamar, kadibna teleefoonada laga damiyo si aysan dadka isugu gurman waxaana haboon in ay hadda wax ka qabtaan khaterta ku soo socota.

Hddii guriga kugu dhegan uu dab ka kaco waxaa kuu haboon inaad la damisid deriska gurgaas haddii kale kaaga ayuu ku soo fidayaa. Haddab, marka haddii deriskaaga la dilay, la darxumeeyey ama loo diiday inuu tago Meesha uu rabo adigana waad ku xigtaa haddii aadan ka dhiidhiiyin maanta. Balqiyaas waxa dhici karaa haddii khadadka la jaro oo qofkasta oo qorii haysataa uu ciddi rabo ku dhaco, haweentuu doonana faraxumeeya?

Waa maxay danta ku jitaa inay sii joogto dowlada adiga ku dileysa, ku dhaceysa oo canshuur badan kaa qaadeysa, oo ammaankaaga, maalkaaga, ilmahaaga iyo sharftaada dileysa waxa kuu qabato iska dhaafee.

Reer Muqdishow kora oo hadda wax ka qabta dowladdaan la idinku salliday. Ciidankow shacbigiinna kaalmeeya si aad u noqotaan kuwa Sharaf iyo cissi ku noolaada.