Somalida ha kala Barato Aqoonyahanka Wanaagsan & Kan Calooshiis la Ciyaarka ah? Akhriso.

Reading Time: 2 minutes

Waxaa muuqata in dad badan oo aqoonyahan sheeganaya shahaaddo kastaa ay wataan aysan arki karin waxa sankooda ka fog ama caloosha ka maqan oo ay ku caqli fac yihiin caloosha iyo ciddii wax ku shubataa argatideeda.

Qaarkood waalli ayaaba ku tirineysaa oo haddey wax qoraan,  oo waxay qorayaan been ay caruurtu ku qososho. Ma baaraan xaqiiqda waxa ay qorayaan ama idaacad kaga hadlayaan ee wixii afkooda soo qabto ama qalinkooda uu qorayo ayey ku dhaqaaqaan. Waa dhab in qaarkood yihiin igu shubo iyagoo ah dadkii fogaan aragga laga filayey ee ahayd inay shacbigii ay wax u barteen toobiyaha u jeexaan ee aysan ku caqli facaanin calooshooda iyo cidda ay jecel yihiin.

Tusaale waxaa kuugu filan mid sheegta “Prof”.Cabdiwahab Sh Cabdisamad oo aan xataa dokumenti ahaan Somali ahayn ee haysta dhalasho Kenyaan ah maadaama uu ka soo jeedo NFD, kaas oo sharuur ka qaadan jiray Dowladdii NN ee Farmajo ee dalka jilbaha dhulka u dhigtay ayaa waxaa afkiisa iyo maskaxdiisa ka soo buutacaya wax lala yaabo. Wuxuu intii la doono ka xun yahay guulaha la gaaray Farnajo kadid oo ay ugu horreeyaan dagaalka Shabaab iyo Dib u heshiisiinta Baydhabo ka socotaa.

Mar hore waxaa wuxuu dagaal ku qaaday RW Maxamed Xuseen Rooble oo ku sheegtay inuu afduubay, muddana lahaa waan dacweyn doonaa ilaa iyo haddana caddeyn lagama hayo lama hayo inuu dacwad fuetay oo uu haysto sabab ay xeer ilaalinta ku qanci karto. Dadka qaar ayaaba ku dooda inuu isagaa is afdubay oo waxay yiraahdaan haddii la afduubay ma ciddii afduubtay waxay soo deyn lahayd isagoo bed qaba muuqaal ahaan? Misa wax kalaa jiraa jira?

Shakhsigaan waxaa marqaad waxyaabaha beenta ee uu qoro markaad akhrisid waxaa kuu muqanaya inuu aad u dhibo horumar kasta oo ay ciidanka xooga dalka iyo hogaanka dalka sameeyaan.

Toddobadkaan waxaa uuqoray maqaal uu kaga been sheegayo dowladda Somaliya,  hasa yeeshee waxaa ka naxay oo ka xumaaday wargeyska xurmada leh ee uu si khalad uga baxsaday maqaalkana u qoray kadib markii ay ku kadsoomeen darajooyinka uu taxdo ee Professor ama Dr Waxayna si sharaf leh uga saareen boggooda iyagoo cudur daar ka bixiyey.

Qaar ka mid ah ayaa laga hayaa Kenyaanka kale ee Darajooyinkaas oo kale leh waxaas kama suuragalaan oo waan ku khaldannay.

Isku soo duub aqoonyahanka sheeganaya aqoon waxaa laga rabaa inuu kala garto sharuurka ama sandareetada waqtiyesan ee siyaasiga danta shakhsiyadeed wataa uu siinayo iyo aragtida wanaagsan ee ay shacbiga ka sugayaan.

Somalida ha yareysan waa kortay waana kala baratay calooshiis u shaqeyste iyo waddani umadda ku haga meesha uu ka jiro mustaqbalkooda wanaagsan waaana sida ay maanta u kala garato hogaamiyahooda wanaagsan iyo kan fadhiidka ah ayey aqoonyahanka wanaagsan iyo ka dulleysan ee qoolka ugu jira calooshiisa u kale gartaan, waana Meesha ay dhigeen “Professor”, “Dr”, “Aqoonyahan”, “Waddani” Cabdiwahab Sh Cabdisamad.