Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi oo warbaahinta la hadlay ayaa Taliyaha booliisku sheegay inuu ciidamada booliiska ku amray inay tallaabo sharci ka qaadaan kooxaha nabadgelyo-darada ka wada buurta gacan-libaax iyo guud ahaan dalka.
Wasiirka Arrimaha gudaha Kaahin oo hadal ka jeediyey kulan uu waraabinta kula hadlay caawa arrinka khilaafka ayaa sheegay in muddadii uu socday tallaabooyinka kooxda gacanlibaax dedaalo badan socdeen madax-dhaqameedka, ganacsato waaweyn iyo waxgarad kale ku jireen. Isagoo raaciyey, “Xukuumadu waxay go’aan ku qaadatay in ciidamada hubaysan ee buurta galay aan talaabo laga qaadin, oon la weerarin, Taliyaha Booliiskuna amar weerar muu haysan”.
Wasiir Kaahin ayaa sheegay in go’aan lagu gaadhay in ciidanka buurta laga soo dejiyo, ay ku xidhnaatay Cabdiraxmaan Cirro, “Maanta arrinka buurta masuuliyadeedu waxay saaran tahay Cabdiraxmaan Cirro, caddeynteedana waa la keenayaa. Dawladu waxay diyaar u tahay dadkaa waxay ay codsadeen, waxay kaloo ogolaatay inaan meeshooda loogu tegin. Ninkii dadka buurta saaray waa inuu ka soo dejiyo, waxaanan diyaar u nahay inaan kala shaqeyno”.
Sidoo kale Taliyaha Booliiska S/G Maxamed oo ka hadlay koox nabadgelyo-daro ka abuurtay dalka ayaa sheegay inay marar kala duwan falal amni daro ka geysteen gudaha dalka, waxaanu yiri, “Maanta (Shalay) ciidan booliis ah oo 30 ah oo magaalada Go’da yar ku socda ayey jid-gooyo dhexda u galeen, 9 Askari ayey dileen, 17 askari dhaawac ayey u geysteen”.
Taliyaha Booliiska ayaa hadalkiisa raaciyey in magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo mudaharaad laga bilaabay, oo shalay subax bilaabmay, ilaa xalay socday, isagoo raaciyey, “Arrinkaasi waxay dhaawacaysaa amniga, waxay ka soo horjeedaa xasiloonidda, shaqooyinka ciidamada booliiska iyo ciidamada kale masuulka ka yihiin weeye”.
Dhanka kale, Wasiir Kaahin Axmed ayaa sheegay in dagaal ka dhacay deegaanka loo yaqaan Go’da oo dhex-maraya Jabhadda Buurta Gacan Libaax iyo ciidanka Somaliland, lagu diley 9 askari, lagana dhaawacay 17 kale oo ka mid ah ciidamada dowladda.
Xogaha laga helayo booliiska ayaa sheegaya in jabhadu ay si gaadmo ah usoo weerartay ciidanka oo ku sugnaa goob dhawaan la dajiyay, isla markaana uu dagaal muddo socday dhexmaray labada dhinac.
Maxamed Saqadhi ayaa sheegay in markii hore aysan amar ku qabin in ay weeraran ciidamada buurta galay ee diidan taliska Muuse Biixi, laakiin hadda wixii ka danbeeya dagaal toos ah lagu qaadi doono oo ciidamadu qabaan amar buuxa.