Somali Heshiis ah Dunidana Hehiis la ah.

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku jira 100-kii maalin ee ugu horreysay ayaa ilaa hadda waxaa uu qabtay hawlo badan oo hortabin u lahaa maamulkiisa, isaga oo heshiis la galay dhammaan dalalkii uu xiriirkoodu mugdiga geliyey maamulkii hore, waxaanu jidka u sii xaaray xukuumadda soo socota, taasi oo sahli doonta in ay horay u gasho u adeegista bulshada iyo illalinta heshiisyada caalamaiga ah.

Safarrada MW Maxaa ka soo baxay?

  1. Caadiyeynta xiriirrada dalalkii aynu kala boodsanyn
  2. Abuurista kalsoonida dalal qiimo noo lahaa oo horay u duntay.
  3. Isfaham ah in dib loo billaabo ganacsiga, dal ku galyada iyo u fudueynta shacbiga Somaliyeed deganashaha iyo ka ganacsiga waddamadaas.

Taasi waa siyaasadda arrimaha dibadda waxayna yeelatay dhidibbo sugan oo horay looga sii wadi karo. Marka in muddo ah dib loo raaco Wafdiga madaxdaweynaha waxaa ka mid ahaa agaasimayaasha guud wasaaradaha ay arrimahaas khuseeyaan kuwaas oo ah dadka ay hasha ku dhaceyso, balse mar walib ku wareeri jiray. Agaasimayaasha waa kuwa laga rabo fulinta iyo raad raaca wixii lagu heshiiyey.

Wasiirada marka ay xafiiska yimaadaan waxay u imanayaan shaqo la fahamsan yahay jihada ay usocoto waayo wasiirka waxaa uu fuliyaa waa siyaasadda iyo barnaamijka Madaxweynaha, taas oo markii hore dhib ahayd, haddasa waxaa isu imanya agaasime guud oo fahamsan siyaasadda madaxweynaha ee uu wasiirka fulinayo., waana qaabka ay u shaqeeyaan waddamada horumaray.

Wasiirada qaar xataa agaasimaha guud ee shaqaalaha rayidka qofka ugu sarreeya waxba lama socodsiin jirin, laakiin hadda waxaa uu badalay MW Xasan in dalka uusan ku xernaan siyaasi ee uu shaqada ay mar waliba socoto. Tusaale waddamada horumarka fiican dhinaca maamulka iyo siyaasadda ka sameeyey shaqada wasiir kuma xerna ee waxaa wada agaasimaha guud. Qofkasta wasiir waa noqon karaa oo saaka markuu xafiiska yimaada waxaa la siiyaa warbixin waxaanu ka qabsadaa mesha uu ka leeyahay, laakiin agaasime guud ma noqon karo qofkasta  oo waa shaqo xirfad maamul u baahan.

Dhinaca kale,  waxa uu MW Xasan doorkaan aad uga dhabeeyey in aan la dhisin dowlad aan hasiish lagu ahayn oo aan cid waliba laga tala gelin, waxaana la tashiyo lala sameeyey cid kasta oo la is leeyahay waxbey taban kartaa ama waxbey ku kordhin kartaa golaha wasiirada.Waana sababta keentay in maanta Barlamanka loo bandhigo in loo baahan yahay muddo dheeraad ah si loo qanciyo dad wax tabanaya iyadoo laga duulayo Somali heshiis ah, dunida heshiis la ah.

Waxaad muuddaa inay wax weyn ka badali doonto horumarka dalka labadaan arrimoodd oo uu Xasan sheekh  ku dhaaqaaqay kuwaas oo kala ah in la hawlgeiyo, laga warqabsiiyo sida ayhawlaha u socdaan iyo heshiisyada la galato agaasimayaasha guud (Civil Servents) iyo in cid waliba laga qanciyo tabashada ay xukuumadda ka qabto inta aan lagu dhawaaqin waxay ku fadhidaa Somali Heshiis ah, Dunida Heshiis la ah.