Socdaalkii Madaxweyne Farmaajo ee dhagax dhigga mashaariic maxaa ka dhab ah ?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa safar dheer ku soo maray maamuulada Puntland iyo Galmudug. Hasayeehsee waxaa uu madaxweynuhu samaneyey inuu la kulmo dadka dwggan degmooyinka uu soo maray. Hasa yeehsee arrinta xiisaha leh ee la xiriirta safarka madaxweynaha waxay tahay in madaxweynuhu soo dhagax dhigay mashariic ilaa 18 ah, kuwaas oo la hergelin doono degmooyinka uu soo maray soona dhagax dhigay.

Caadiyan dhagax dhigga waxaa uu yimaadaa mashruuca daraasaddiisa la sameeyo, kadibna dhaqaalahiisa la hayo oo dhismahiisa la bilaabo, laakiin iyadoon intaasba jirin ayuu madaxweynaha soo dhagax dhigay mashaariicdaan. Haddaba ujeedada ma waxay ahayd qowda maqashii waxna ha u qaban.

Mashaariicda farmaajo Gobolada kasoo Dhagax Dhigay Waa “Gubadkaan Gubi Doono”. Intaas oo mashruuc waqtiga dhow Somaliya ma dhisi kartaa? Mise waa dhagax & Dhoobo laysa saaray oo kaliya?.
1-Wado Laami isku xirta Garoowe & Eyl(222km).
2-Wado Laami isku xirta KalaBayr & Caluula(376km)
3-Wado Laami isku xirta Galkacyo & Hobyo(264km).
4-Wado Laami isku xirta Hobyo & Caabudwaaq(355km).
5-dayactirka laamiga isku xira Dhuusamreeb & Gaalkacyo(235km).
6-Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta-Gaalkacyo-Galmudug.
7-xabsiga dhexe ee Galmudug – Galkacyo.
8-Xarunta xanaaneynta agoonta Ahlusuna – Dhuusamareeb.
9-Dugsiga Farsamada Gacanta – dhuusamareeb.
10-Dhismaha Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.
11-Dhismaha xabsiga magaalada Dhuusamareeb.
12-Dhismaha Jaamacadda Umadda Gaalkacyo.
13-Dhismaha Jaamacadda Umadda Cadaado.
14-Dhismaha Jaamacadda Umadda Dhuusamareeb.
15-Dhismaha Jaamacadda Umadda Caabudwaaq.
16-Dhismaha Xabsiga Caabudwaaq.
17-Garoonka diyaaradaha Cadaado.
18-Dhismaha dekedda Hobyo.
Haddaba mashaariicdaan dhammaantood maxaa ka hirgali kara maxaasa suuragal ahayn inay hirgalaan ayaa ah su’aalaha in la isweydiiyo masa loo hayaa dhaqaalihii ku bixi lahaa. Dad badani waxay qabaan inay iska siyaasad ahayd ee aan wax ujeeddo ah oo inay hirgalaan  ama  mashaariicdaan ay fulaan aysan jirin.