Siyaasiyiinta Somaliland oo qaadacay doorashada, fashilkana ku eedeeyay RW Rooble

Reading Time: < 1 minute

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed Boqor Buurmadoow oo ay dhinacyadiisa taagnaayeen Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa qaadacay doorashada Golaha Shacabka ee socota.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa lagu eedeeyay in uu fashiliyay doorashada dalka, waxaana odoyaasha dhaqanka ku eedyeeyay in uu baalmaray mas’uuliyadii loo igmaday.

Boqor Buurmadoow oo ugu horreeyn la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan waxba kala socon doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland, isla markaana ay shacabka iyo Beesha Caalamka u caddeynayaan inay baxeeb doorashada dalka.

Boqorka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyay inuu faragelin ku haayo doorashada oo uu la wareegay hannaankii doorashada, kana dhigay xafiiskiisa Cabdale Shideeye lagu sameeyo been abuurka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaas kusii daray Boqor Cismaan Boqor Buurmadoow in aysan waxba kala socon doorashada Jadwalkeeda xiligaan lasoo saaray oo uu xusay inuu ogyahay oo kaliya Guddiga Guddiga doorashada Somaliland.

“Waan ka baxnay Doorashadii Soomaaliya waxaan halkaan isugu nimid in aan u cadeyna Beesha caalamka iyo Soomaaliba’ Marka aan garan wayne cid aan kaga Dacwoona Raysal wasaaraha Beeshiisa xitaa waan ugu dacwoonay” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10-aad Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo dadka la shaqeeya ugu baaqay in la joojiyo doorashada 6 kursi ee Jadwalkeeda la shaaciyay, isla markaana dib loo dhigo, si loo saxo khalalaadka jira.