Siyaasiyiinta Muqdisho oo Su’aal Ka Keenay Sababta Madaxweyne Farmaajo ay Mar Waliba Isu Heystaan Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur aya ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka dhex jirata Xildhibaanada iyo Kooxda Qiyaano Qaran oo qorshohodu yahay in Golaha shacabka ay ka leexiyaan Gudoomiye Jawaari.

C/raxmaan C/shakuur ayaa bartiisa Facebooka soo dhigay qormo kooban oo ku sheegay in Farmaajo xilligii Ra’iisal wasaaraha ahaa Baarlamaanka ay is qabteen,maanta oo uu madaxweyne yahayna is hayaan.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka:

“Madaxweyne Farmaajo xiligii uu Raysalwasaaraha ahaa Baaralamaanka ayey is qabteen. Maanta uu Madaxweyne yahayna way is hayaan. Sabab, ayaan waydiiyey nin ay mudo saaxib ahaayeen. Wuxuu igu yiri Farmaajo wuxuu jecel yahay in toos loo fuliyo amarkiisa, Baarlamaankana caqabad qashqashaad miiran ah ayuu u arkaa. Walee xildhibaan maanta dhiilo iyo xamaas hayo, waqti danbe ayey dib wax ka xusuusan doonaa”.

Farmaajo aya daneenaya in qorshihii u dhawan diiday in uu saxiixo gudoomiye Jawaari uu fulo si taa eey u dhacdana lo baahan yahay in gudoomiye Jawaari meesha kaga saaro

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!