Siyaasiyiinta K/Galbeed oo u kala bixi doona Waddani Sida Wasiir Geesey iyo Caado Qaatayaal.

Reading Time: 2 minutes

Dadka damiirka leh uma adkeysa karaan tacdiyada dadkooda lagu sameeyo, waxayna mar waliba fahmaan inay xilka u hayaan shacbiga aan hadli Karin ee ay ka soo jeedaan.

Cabditafatax Geesey waxaa uu muujiyey karti iyo dadnimo, keeni doonta in loo aqoonsado inuu yahay waddani dalka iyo degaanka uu ka soo jeedaba jecel. Ummadda Somaliyeed waligeed waddaniga ma illowdo, waxayna u haysaa qiimo aad u weyn.

Waxaa damiir xumo ah inay wali jiraan kuwa la safan dawladii dhibaatada ku haysa degaannada ay ka soo jeedaan, waxayna ahayd inay hal mar ka dhaqaaqaan dawlada iyo dhamaan golayaasha. Ninka maanta difaaci waayaa tuuladii uu u dhashay ma difaacayaa Qaran iyo Gobannimo dhiig u baahan? Waa Maya.

Reer K/Galbeed waa waqtigii aad kala baran lahaydeen wiilshiinna waddaniyiinta ah iyo kuwiinna dhuuni raacdyada ah ee ama wali la sii jooga ama soo horkacaya kuwa idin gumaadaya.

Xildhibaanada K/Galbeed waxay ahayd inay dawladda ku khasbaan inay iyada u hogaansanto oo ay joojiso dhibaatooyinka ay dadkooda ku hayso, sida:

  1. Soo qafaalashada cidda aysan iyadu rabin. -Shekh Mukhtar Roobow
  2. Dilka shacbiga iyadoo u kaashaneysa cadowga Itoobiya. Xildhibaankii iyo shacab badan.
  3. Dayicidda Mas’uuliyadii degaankooda ka saarneyd ee ahayd inay shabaab ka xorreyso dagaanadaas codkiinnana aad ku siiseen Farmajo iyo Kheyre.

Waxaa kaloo iyadana doqonimo ah in koox asalkoodi meelo kale ka soo jeeday inay reer K/Galbeed ku hayaan dhibatada hadda taagan. Sidoo kale waxaa ka sii xanuun badan in maanta kuwa idinka mid ah ay leeyihiin waxaan galeynaa doorasho taas oo ay og yihiin:

  1. In dadkooda loo laayey doorta ninkaan rabo.
  2. Inaysan ku soo baxayn doorashada haddii aysan ahayn ninka la wato waana ogyihiin inaan la wadan.
  3. In umadooda aysan ka heli doonin wada shaqeyn maadaama ay ka daneysteen.

Waxaa hubaal ah in shacbiga K/Galbeed ay guuleysan doonaan, dawladda Federaalka iyo dabadhilifyadeedana ay guuldarreysan doonaan haddii xaalku sidaan ku sii socdana ay taas soo degdegi doonta.