Siyaasiyiinta beesha Daarood oo abuuray kudlad lagu taageerayo beesha Dhulbahante

Reading Time: < 1 minute

Waxaa dalka dibadiisa iyo gudahiisa ka socda da’daalo lagu garab istaagayo qadiyaha beesha Dhulbahante ee ay ku difaacanayaan dhulkooda. Kudladahaan waxaa kuwada jira siyaayiin caan ka dalka Soomaaliya kuwaas oo si wada jira ugu da’daalayo meelmarinta qorshooyinka  lagu difaacayo qadiyada beesha Dhulbahante.

Siyaasiyiintaan oo intooda badan dalka Soomalaiya hogaano kala duwan ka soo qabtay ayaa waxa ay shirar kala duwan ku yeesheen dalka gudihisa iyo dibadiisa. Iyadaga oo ku kala duwan aragti duwan siyaasada  dalka Soomaaliya ayaa hadana ay heshiis ku yihiin difaacida qadiyada beesha Dhulbahante.

Waxa ay qoraalo kala duwan u diraan beesha Caalamka, gaar ahaan wadamada taageera Soomaaliya kuwaas oo ku sheegaya qoraalooda  gardarada iyo dhul balaarsiga dowlada Somaliland.

Waxaa la qabiyaa argatiyo isku mida taas oo siwada jira loogu qaybiyo beesha caalamka, Sidoo waxaa iyada ololahaan door ku xoog leh ka qaata qaar kamida safaraadaha Soomaaliya u jooga caalamka kuwaas oo ah kuwii Madaxweyne Farmaajo horay u magacaabay.

Siyaasiyiintaan ayaa waxa ay sameeysteen baro bulsho, Whatsapp groups oo iyaga u gaar ah kaas oo lay isku wareeysataan isla markaan lagu wadaago xogta  howlihii ay horay u soo qabteen iyo howlaha ay doonayaan iay u qabsoomaan.

Kudladahaan ayaana waxa muuqata in wax weyn ka badaleen aragtida beesha Caalamka, tan Soomaalida  ee ku jwahan Somaliland, gaar ahaan wadamada taageera dowlada Soomaaliya iyo dowlada Somaliland.

Sida uu MOL u xaqiijiyay mid kamida dadka hogaanka u haya da’daaladaas, maalmaha soo socda waxaa ay beesha Caalamka soo saari doonaa doona warbixino lagu eedeyanayo, laguna cambaareynayo Dowlada Somaliland.

Siyaasiyiinta howshaan ku guda jirtaa waxaa kamida ama hogaanka u haya:

Cumar Cabdirashiid, Cabdiwali Gaas, Faarax Macalin, Nuuridiin Diiriye, Cabdisaid Muse, Maxamed Cabdirisaaq, Cali Ciise,  Cabdixakiim Camey, Axmad Cise Cawad, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Jamal Maxamed. Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, Jeneral Osman Diyaano, Maxamed Faroole.. iyo qaar kale oo badan.