Maal-mahaan waxaa Baraha Bulshada Socday Warar iyo warbixino laga sameeyay Hadal aan habooneeyn oo uu jeediyay Madaxweyna Maxamed C/laahi Farmaajo kaasi oo ahaa in ay jiraan siyaasiin xanaaqsan ,balse Su’aashu waxaa ay tahay Siyaasi Xanaaqsan Iyo Siyaasi Dabaal ah ayaa Qab daran.
Shiikh C/raxmaan oo ka ,mid ah Mashaa’iiqda reer Jabuuti ayaa Qoray maqaal uu uga hadlaayay Siyaasiga Dabaalka ah wuxuu tilmaamay dhowr qodob oo lagu yaqaano siyaasiga dabbaalka, sida inuu soo saaro go’aanno tira badan oo khalad ah, inuusan kala fahmi karin xaaladda lagu jiro iyo meesha loo socdo, inuu dad gaar ah samaysto oo u sacbiya har iyo habeen, inuu soo saaro dad dabbaal ah- maxaa yeelay geed waliba mirihiisa ayuu dhalaa-, iyo inuu la daggaalamo dadka caqliga iyo cilmiga u saaxiba isagoo ka baqaaya inay kursiga kala wareegaan.
Siyaasiga dabbaalka waxaa lagu yaqaan sida uu Shiikhu tilmaamay go’aanno khalad ah oo hadana cajiiba ah, wuxuuna tusaale u soo qoaatay nin xukumi jira xilli hore dalka Masar oo go’aan ku soo saaray in habeenki la shaqaysto, maalintiina la iska jiifto!.
Hdaalka Shiikhaasi maxuu kula yahay adiga adigoo deganaan adeegsanaayo iskuna qiimeeynaayo hadalkii Madaxweyne Farmaajo