Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo mudo dhowr bilood ah ka maqnaa dalka ayaa la filayaa in uu maanta dib ugusoo laabto Magaalada Muqdisho,waxaana aad looga dareemayaa qabanqaabada soo dhaweeyntiisa.
Sida ay heshay MOL Siyaasigga ayaa goordhaweed kasoo duulay Magaalada Nairobi ee dalka kenya,waxaana uu LIVE kasoo galay bartiisa facebook-ga ku sheegay in uu saacadaha soo socdo soo gaaraayo Muqdisho.
Shacabka ayuu ugu baaqay in ay isdajiyaan oo ay ka shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida gobolka,dowlada soomaaliya ayaa horay u weerartay siyaasigaan,waxaana laga dilay dhowr ruux oo ilaalo u aheed asiga dhaawac ayaa soo gaaray