Dhageyso; Siyaasi Nuur Ismaaciil Sheekh ‘’Yariisoow Hadii Uusan Ka Shaqeyn Karin Horumarka Caasimada Waa Inuu Is Casilaa’’

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo Dhawaanahaanba Ay Jireen Eedeymo Loosoo Jeydinayay Maamulka Gobolka Banaadir Ayaa Siyaasi Nuur Ismaaciil Sheekh Uu Ka Hadlay Qaabka Uu U Arko Hanaanka Gudoomiye Yariisoow Uu Ku Maamulayo Gobolka Banaadir.

Siyaasi Nuur Ismaaciil Sheekh Ayaa Waxa Uu Ka Dhawaajiyay In Maamulka Yariisoow Uu Ku Fashilmay Inuu Ka Shaqeeyo Horumarada Dalka Taa Badalkeedana Uu Ku Mashquulay Boobka Shacabka Ku Nool Caasimada.

Siyaasiga Ayaa Waxa Uu Tibaaxay In Haatan Loo Baahanyahay In Yariisoow Uu Xilka Iska Casilo Hadii Uusan Qancin Karin Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Muqdisho.

Eng Yariisoow Ayaa Lagu Eedeeyaa Inuu Ku Tagri Falo Awooda Maamulka Iyo Inuu Si Bareer Ah U Dhaco Hantida Maguurtada Ee Dowladda Iyo Mida Shacabka.

‘’ yariisoow inuu dhaco hantida shacabka waa nasiib daro usoo hoyatay qaranka soomaaliyeed hadii uusan qancin karin bulshada waa in uu xilka isaga dagaa’’

Siyaasi Nuur Ismaaciil Ayaa Sidoo Kale ka dhawaajiyay In Dhowr Jeer Ay Talooyin Ay U Jeediyeen Maamulka Sare Ee Gobolka Banaadir Balse Talooyinkoodii Lagu Gacan Sayray.

‘’hadii uu isaga xilka u qabtay inuu burburiyo caasimada dalka shacabka muqdisho kama yeeli doonaan shacabka waxaa looga baahanyahay in si isku duubni ay ku jirto ay u sameeyaan kacdoon shacab oo looga soo horjeedo boobka yariisoow’’

Siyaasiga Ayaa Sidoo Kale Waxa Uu Ka Hadlay Cabashooyin Ay Qabaan Shacabka Muqdisho Ayaa Yiri ‘’waxaa jira kooxo ka howlgala muqdisho oo ka shaqeysta dhaca iyo dhibaateeynta shacabka ku nool caasimada waxaa yariisow waxaad gudoomiye u tahay shacabka caasimada hadii aad dhibaateyso dadka aad xilka u heysid ayaa ku aaminaya dhab ahaantii waa dhamaatay kalsoonidii shacabka muqdisho.

Hadalka Siyaasi Nuur Ismaaciil Sheekh Ayaa Kusoo Beegmaya Xilli Shacabka Soomaaliyeed Ay Ka Raja Dhigeen Qaabka Hab Maamuleed Ee Gudoomiye Yariisoow

 

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka Siyaasi Nuur Ismaaciil Shiikh