Siyaasi Ilyaas B. Shiil oo sheegay in Soomaaliya haysato labo daran mid dooro

Reading Time: < 1 minute

Ilyaas Barre Shiil oo ka tirsan siyaasiyiinta waa weyn ee dalka Kenya, horayna xilal kale duwan uga soo qabtay dalka Kenya ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Bulshada ku sheegay in ay  taabatay isla markaana aad uu uga xun yahay qaraxa joogtada ah ee ka dhaca magaalada Muqadishu.

Xildhibaan Barre Shiil ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan magaalada Muqadishu ay haysato labo daran mid dooro. 1) kooxda talada dalka hayso ee Nabad iyo Nolol oo aan u naxaynin shacabka dhibaata badana ku haysa shacabka Soomaaliyeed iyo 2) Kooxda Al Shabaab oo ay ka go’an tahay  in ay dilaan shacabka Soomaaliyeed.

Ilyaas Barre Shiil ayaa kula taliyay shacabka Soomaaliyed in ay talaabo ka qadaan labada kooxaad ee dhibtaada ku haya ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka ku dhaqan magalaada Muqadishu.