Siyaasadda Qar iska tuurka ee Dowladda Soomaaliya oo god mugdi ah gelisay hamigii dadka iyo dalka

Reading Time: < 1 minute

Waxaa sii xumaaday xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo caalamka kaddib markii ay dowladda Soomaaliya qaadatay go’aan lagu degdegay isla markaana ay ka dhaga adeygtay codsiyo badan oo uga yimid wadamada deeq bixiyaasha ah iyo Xoghayaha QM Gueters.

Go’aamada qar iska tuurka ah ee ay dowladda Soomaaliya qaadaneyso ayaa waxaa hoggaan u ah RW. Kheyre, MW. Farmaajo Wasiir Axmed Ciise Cawad iyo Safiirka Soomaaliya ee QM Abuukar Baalle.

Dowladda Soomaaliya aya wadanka sii gelineysa god mugdi ah iyadoo ay si joogta ah ugu xadgudbayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay faragelin ba’an ku hayaan dowlad Goboleedyada.

Waxaa caburin lagu hayaa dhammaan mucaaradka dowladda iyagoo loo diiday in ay shiraan, isla markaana laga hor istaagay meel walba.

Siyaasadda qar iska tuurka ah ee ay waddo dowladda Farmaajo waxay horseedi doontaa in wadanka uu dib u dhac weyn ku yimaado. Waxaa durbadiiba ay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya ay sheegeen in ay aanay ka shaqeyn karin gudaha Soomaaliya waxayna dib ugu laabteen in ay ka howl galaan magaalada Nairobi, waxaana taa xigi doonta in safaaradaha Muqdisho deggen ay iyagana dib ugu laabtaan oo ay ka bilaabaan howlgaladooda magaalada Nairobi.

Waxaa lagu bixiyay juhdi badan in ay dalka dib uga howlgalaan dhammaan hay’adaha taakuleeya Soomaaliya iyo howlwadeenada safaaradaha, balse waxaad mooda in MW. Farmajao iyo kooxdiisa taa ka soo horjeedaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!