Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa qabatay 18 baabuur oo ay sheegeen in loo qorsheeyay in lagu qabto falal argagixiso. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal Hay’adda Sirdoonku soo saartay oo u qornaa sidan:-
“Hay’adda Sirdoonka oo raacaysa xogo ay heshay ayaa ku guulaysatey in ay gacanta ku dhigto 18 Gaari oo ku lug yeeshay fududaynta falal qorshaysanaa oo hay’addu fashilisay”.
Baabuurtan ayaan lahayn taarikada gaadiidka lagu aqoonsado. NIA ayaa ku daba jirta tiro kale oo gaadiidkan ah.”