Sirdoonka Mareeykanka oo Digniin Culus u diray Madaxweyne Farmaajo iyo Cabsi Amni Daro oo Villa Somalia Ka Taagan

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo dhawaan uu dalka mareeykanka tagay R/wasaaraha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya Xassan Cali Kheeyre ayaa waxaa digniin culus loosoo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo taasi oo ku aadan in falal amni daro ay ka dhici karaan Xarunta Madaxtooyadda iyo Goobaha Muhiimka ah  hadii aan wax laga bedelin saraakiil shabaab kasoo goosatay oo Kheeyre kasoo buuxiyay Madaxtooyadda

Sirdoonka Dowladda Mareeykanka ayaa waxaa ay sheegeen in ay suuragal tahay in Falal qaraxyo iyo weeraro iskugu jira ay ka dhici kareen Magaalada muqdisho gaar ahaan xarumaha Dowlada kuwaasi oo ay sahlayaan saraakiil ka tirsan Xafiiska R/wasaare Xassan Cali Kheeyre

Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheeyre ayaa dhawaan waxaa uu lugta la galay kiis ah Qaraxyo iyo Weeraro ka dhacay Magaalada Muqdisho in laga Fudeeyay islamarkaana shaqsiyaad ku sugan ay la shaqeeynayaan Kooxdii Weeraradaasi Fulisay

Dowladda Mareeykanka waxaa ay si weeyn uga walaacsan tahay Xaalada Amni Ee Soomaaliya iyadoo Saluugsan shaqadda iyo aaminaada R/wasaare Xassan cali kheeyre ayeey Fariintaan Usoo dirtay Madaxweyne Farmaajo

Dhawaan ayeey aheed Markii Madaxdii Amnigga Ee R/wasaare Kheeyre uu iska dhiibay Dalka Biljamka ka dib Socdaal uu ka wehliyayay Wafdi  uu ka Mid Ahaa R/wasaaha uu oo ka dhuumtay