Sirdoonka Itoobiya iyo Soomaaliya oo raadinaya ciidan Soomaali ah oo ka soo baxsaday Dagaalka Tigrey

Reading Time: < 1 minute

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dhallinyaro Soomaali ah oo ka badan 10 qof ay xoog uga soo baxsadeen xeradii tababarka ee dalka Eritrea kadib markii ay ka gadoodeen muddo dheer oo ay halkaas joogaan.

Dhalinyarada soo baxsatay ayaa la sheegay in qaarkood ay ku geeriyoodeen jidka intii ay safarka soo haayeen halka qaar kalane ay ku dhinteen rabshado ay kala kulmeen Qowmiyadda Canfarta, iyadoo tiro kooban ay safar dhulka ah ku soo gaareen dowladd degaanka Soomaalida Itoobiya.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in dhallinyaradaan ay soo galeen gudaha Soomaaliya balse ay jiraan iskaashi ay sameeyeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu baadi goobayo dhalinyaradaan.

Qaar kamid ah dhalinyaradaan oo soo galay gudaha Soomaaliya ayaa MOL u sheegay “Numbarro markii ay ku soo wacaan ay kuu soo baxeyso Villa Somalia ayaa na soo wacay waxaa nagula yiri diyaarad soo raaca lacagta rabtaan sheegta warbaahinta haka hadlina meel kalane ha tagina,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyaradaan oo aan qarinay magaciisa.

“Waa naloo hanjabay markii aan diidnay dalab kasta wali waxaan ku jirnaa baxsad waxaana dadka na raadinaya xubno kamid ah sirdoonka Itoobiya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wiilkaan oo ay la socdaan 6 qof oo kale.

Villa Somalia ayaa dadaal kasta u mareysa in dhallinyaradaas aysan warbaahinta ka hadal, taasi oo haddii ay dhacdo banaanka keeni doonto sirtii sanado badan la qarinayey ee ku gadaaman dhallinyarada askar ahaanta loo geeyey Asmara.

Waalidiin badan ayaa maalmahan Muqdisho ka dhigayay banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in meel lagu sheego carruurta kaga maqan dalka Eritrea oo ay dowladda Soomaaliya ugu qaaday in shaqo ilaalo ah loo gaynayo Qatar.