Dowladda iiran ayaa sheegtay in ay xoog kusoo furatay Afar ruux oo kalluumeeysto ah kuwaasi oo ay gacanta ku haayeen Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida Mudo Sanado ah,
Sirdoonka iiraan ayaa xaqiijiyay in ay si xoog ah kusoo furteen 4-taan Ruux oo Burcad Badeedu afduub ahaan u heeysteen,sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Cadaaladda Ee Dalka Iiraan Maxamuud Al-Khawaji
Afartaan ruux ayaa gacanta burcad badeeda ku jiray tan iyo sanadkii 2015 waxeeyna ahaayeen muslimiin Sunni ah oo kazoo jeeday Gobolka Koonfureed Ee Iiraan sida ay shaacisay Warbaahinta dalkaasi iiraan,waxaana loo wareejin doonaa Zahedan
Howlgalkan ayaa waxaa fuliyay Ciidamada Qadaafi ee ka socda Isbaheysiga Dib u Xeeladaha Islaamiga (IRGC) iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran,sida lagu sheegay war kazoo baxay waaxda warfaafinta dalkaas,Sideed ruux oo Badmaaxiyayaal ah oo u dhashay Dalka Iiraan ayaa lasii daayay Bishii Febraayo 2017, ka dib Wadahadal ka dhacay Safaaradda Senegal Ee Soomaaliya
Burcad Badeeda Soomaalida ayaa waxaa ay dhibaato xoogan ku noqotay maraakiibta Isticmaala Gacanka Cadmeed iyagoo qafaasha Maraakiibta,shaqaallaha saran ka dibna dalbado dhaqaalle badan,sanadahii ugu dambeeyay hoos ayeey u dhaceen werarada Burcad Badeeda ka dib Markii Maraakiib caalami ah la Keenay Xeebaha Soomaliya
Ciidamada Bada ee Iran ayaa la socday Ciidamada ku mideeysan dagaallanka burcad-badeeda Ee Gacanka Cadmeed tan iyo November 2008 si ay u ilaaliyaan Maraakiibta Shidaalka Dalkaasi