(SIR) Ma ogtahay sababta rasmiga ee DFS ugu daabuleeyo Ciidamo G/Hiiraan

Reading Time: 3 minutes

Ila wareedyo ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa MOL u sheegay xogta rasmiga ee ka danbeeso sababta DFS ugu daabuleeyso ciidamada Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiran.

Sida lawada ogyahay Waxaa dhawaan la filayaa ineey bilaawato doorashada xildhibaanada JFS taaso lagu qabanaayo Gobolo badan oo soomaali kamid ah, Magalada Baladweyne waxeey iyana qeyb ka tahay gobolada ay ka dhaceeyso doorashada.

Madaxweyne Farmaajo siduu u boobo doorashada lafilaayo in lagu qabto baladweyne isla markaasna uu si taxadar isaga ilaaliyo hoggaanka cusub ee Hirshabeelle oo uusan wax kalsooni ku qabin ayuu goaansaday inuu ciidamo ku daabulo magalada baladweyne.

DFS ayaa ku micneeysay sababta ciidamada loogeeyay baladweyne ineey ka qeyb qaadanayaan xasilinta gobolka

Bartamaha Sanadkii dhamaaday ee 2020 ayeey aheyd markii  Ugaaska Beesha Xawaadle & Madaxweyne Farmaajo ay gaareen hishiis hoosaad waxaana kamid ah hishiiskaas .

  1. In DFS ay Madaxweyne Hirshabeelle ka dhigto ALi Guudlaawe oo kasoo jeeda Beelwenta Mudulood si loo isticmaalo waqtiga doorashada looguna dhabar jabiyo beeshiisa oo uu rumeesan yahay ineey ka gadood san yihiin wixii uu tacadi ugeestay .
  2. In Jabhad ku abtirsata beesha xawaadle laga hirgaliyo Baladweyne si loobaabiyo awooda Dowlada hirshabeelle ku leedahay Baladweyne oo lafilaayo in doorasho lagu qabto.
  3. In markii uu dib usoo noqdo Madaxweyne Farmaajo uu Beesha Xawaadle u hirgalinaayo Hiiraan State of somalia ama uu kursiga katuuri doono ALi Guudlaawe isla markaasna asagoo isticmaalayo odoyaasha caadaqatayaasha mudulood uuka saxiixi doono in kursiga Madaxtinimiada Hirshabeelle ay kaliya u tartami karaan Beesha Xawaadle.
  4. In Mashaariic Hormarineed laga fulin doono hiiraan .
  5. In Safiiro & Jakooyin ayku qancaan  Beesha Xawaadle laga siin doono DFS.

Fulinta Hishiisyadaas dhinaca beesha Xawaadle waka hirgaliyeen oo waxeey dhiseen jabhad , Madaxweynaha Hirshabeelle Ali Guudlawana waaku adkaatay inuu tago Baladweyne maadama hadii uu awood isticmaalo isla markaasna uu cagta mariyo jabhadaas fowdada loodhisay waxaa afka furan doona Ugaaska Beesha Xawaadle dagaalkana wuxuu isku badalayaa mid qabiil oo wuxuu leeyahay beesha  Abgaal ayaa nagu soo duushay oo dadkeena baabisay.

Waxaa marqaati arrintaas u ah sida DFS umaareeysay Jabhadaas iyado DFS lagu Xasuusto awoodihii ayku maquunisay Ahlu Suna Waljameeca oo ka awood badneed Jabhada uu hoggaamiyo Ninka layiraahdo XUUD. sido kale DFS waxaa lagu xasuusta sida ay u maquunisay rabitaanka reer baydhabo .

Beesha Xawaadle dhaqankooda & siyaasiintooda waxeey isku dhiibeen in ay jaranjaro u noqdaan Madaxweyne Farmaajo oo ku fashilmay isku haynta midnimada shacabka kuna soo biya shubtay abuuris colaad dhaxmarta dadka ehelka ah. waxeeyna sarifteen xiriirkii wada dhalashada & daris wanaaga kala dhaxeeyay Beelaha Mudulood & Xawaadle .

Hishiiska Ugaaska Xawaadle & Madaxweyne Farmaajo Hirgalintiisa waxaa qeyb ka ah in Ciidamo DFS kasocda lakeeno si laa xaqiijiyo in laboobo  24 kursi ee xildhibaadana lagu so dooran doono Baladweyne .

Dadka intiisa badan waxeey iswaydiinayaa sababta Ali Guudlawe uu Madaxweyne uga dhigtay hadii uu qiyaamayo soo horay uma awoodi karin inuu qof kale ka dhigto Madaxweynaha Hirshabeelle?

Madaxweyne Farmaajo & Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa istusay qatarta ay leedahay faragalinta doorashooyinka Hirshabelle si looga baaqsadana waxeey saaxiib ay kuadeegtan dhigteen ALi Guudlaawe.

Waayo Madaxweyne Farmaajo mudadii uu xilka haayay wuxuu beelaha mudulood kula dagaalamay Heyadaha dowliga dhaxdooda , asagoo takoor ku sameeyay isla markaana ka cunaqabateeyay dhamaan dhaqaalaha beesha caalamka ugu talagaleen soomaaliya in lagu hormariyo qeybtii ayku lahayeen deeganada mudulood walaga gacan bidixeeyay sidaasi darteed hadii uu isku dayi lahaa in uu faragaliyo doorashada Hirshabeelle wuxuu lakulmi lahaa in Beelaha Mudulod ayka baxaan DFS isla markaasna ay dhistaan Banaadir STate Of Somalia waxaana arrintaasi dhabar jab ku tahay Maamul Madaxweyne Farmaajo maadama dhaqaalah uu ku fuliyo fidnana iyo burburinta Maamul Goboleedyada uu ka hello Gobolka Banaadir o ay dagan yihiin Beelaha mudulood.

Qiyaanooyinka Farmaajo & Fahad ayaan la ogeen halka ay ku danbeeyn doonaan waxaana iska cadaatay in kuraasta taalo Hiiran ay ku danbeen doonto boob cad .

Maxaa ka hirgali doono hishiiska aay wada galeen Farmaajo & Ugaaska Xawaadle?