Xogo si qarsoodi usoo gaaray Muqdisho Online ayaa tibaaxayaa in MW Farmaajo & Wakiilka Sirdoonka dowlada Qatar u jooga Somalia ahna Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ay Hirshabeelle umaleegayaan qorshayaal halisah & sidii ay umaja xaabin lahayeen MW Ali Guudlaawe .
Qorshaha wajigiisa 1 aad ayaa ahaa in la muujiiiyo Qeyla dhaan boor isku qaris ay afka labadiisa furtaan Beesha Xawaadle isla markaasna eedeen ugu soo jeediyaan MW Farmaajo inuu Hirshabeelle larabo Ali Guudlaawe in uu Madaxweyne ka dhigto taaso ah been & marin habaabin ladoonayo in laga dhaadhiciyo bulshada reer hirshabeelle.
Wajiga labaad ee qorshaha lawareegida Hirshabeelle ayaa ahaa in Xildhibaanada cusub ee Hirshabeelle noqdaan Badan kood xoogaga wadaniyiinta daacad u ah Fahad Yaasin taasina waa aysuurta gashay , iyadoo MW Ali Guudlaawe laga dhaadhiciyay in ay wataan Kooxda Qiyaamada badan ee Villa Somalia.
Wajiga 3aad ee lawareegida ayaa ah in ladadajiyo Doorashada , iyadoo Amniga aygacanta ku hayaan DFS isla markaasna dhaqaalaha ubadan lagu bixiyo Musharax aan aheyn MW Ali guudlawe oo aywataan Farmaajo & Fahad Yaasiin.
Haddaba dadka intiisa badan waxeey iswaydiinayaan oo hadii dowlada ay musharax aan aheyn Ali Guudlaawe wadato maxeey awood u isticmaali waysay sidii Galmudug & Koonfur galbeed ayka dhigeen ?
Jawaabta oo fudud waaxaa weeye meel walbo isku dabeecad ma ahan Hirshabeelle waxaa kusugan inka badan 5 Guuto oo DFS kajartay Mushaarka & saadka ciidamada isla markaasna ay ku adkaatay in ay wiiqdo cududa ciidankaas,
Haddaba ayagoo og itaalkooda isla markaasna hadii Hirshabeelle faragalin qaloocan loo adeegsado in nabad lagu joogeeynin Gobolka Banaadir waxeey adeegsanayaan xirfad ku dheehan qiyaano taaso ah in la iska dhigo Saaxiib masuulka ugu tunka wayn markii uu isdhigtana lamajaxaabiyo oo godka lagu hubsado.
Hada Hadii Hirshabeelle uu ku guuleesto musharaxa aan aheyn MW Ali Guudlaawe ujeedada MW Farmaajo ayaa ah in si nabad ah raali la isaga yahay in xilka lagu wareejiyo masuulka ay wadatay Villa soomaaliya maadama uu ogyahay Beesha Abgaal ineey dhaqan ulayeehiin dimuqraadiyada oo hadii laga adkaado xilka wareejinayaan.
Taaso fursad labaad u ah iyadoo dhiig ku daadan ceeb & fool xumana ka raacin ineey la wareegaan Hirshabeelle.
Madaxweynihii Hore ee Hirshabeelle ALi ABdullahi Osoble , Waare Jiis & Ugaaska Xawaadle waxeey shuraako kula yihiin qiyaamada MW FArmaajo & Fahad Yaasin . waxaana si xishood la’aan ah looisticmaalayaa MW Ali Abdullahi Osoble balse asaga dantiisa kaliya waxa weeye sidii uu ku noqon lahaa Xildhibaan . Hadii uu ALi guudlaawe ku guulestana doorashada waxaa qaadici doona Ugaaska Xawaadle & MW Waare kadibna Dowlada fadaraalka waxeey Hiiraan ka dhigeeysa gobol hoos tago dowlada dhexe inta dib u hishiisiin laga sameenayo siduu uga faaideysto kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Balad wayn .
Haddaba Hirshabeelle uma noqoto 4 sano kale oo dib u dhac ah Beesha Xawaadle walasoo tijaabiyay 1 xafiis dowladeedna uma aysan dhisin Hirshabeelle sidaaasi darteed beelaha daga Hirshabeelle waxaa laquman hadiiba Ladagaalanka Abgaal aygarab ku siinayaan MW Farmaajo & Fahad Yaasiin in qof aan aheyn Xawaadle ama Abgaal ha udoortaan Madaxweyne si loo helo dowlad Hirshabeelle oo sal adag.
Xogtaan waa mid leh tixraac lahubiyay run ahaanshaheeda MW Farmaajo asaga & Wakiilka Sirdoonka qatar ahna Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji daahir waxeey 4 sano ee lasoo dhaafay dagaal & ciribtir ku wadeen Beesha Mudullood gaar ahaan Abgaal sababto ah waxeey rumeeysan yihiin in Soomaali ay iska xukumi karaan hadii la ciribtiro beesha Abgaal.