Siihayaha Wasiirka Cadaalada XFS oo gaaray Gaalkacyo

Reading Time: < 1 minute

Wafdigan uu hogaaminayo siihayaha Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo siihayaha Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa gaaray Mgaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wafdiga ayaa garoonka oshaaka ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug, maamulka Gobolka, kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana marka ay soo degeen kadib loo galbiyay xarunta maamulka.

Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Ku-xigeenka Duqa magalada Gaalkackyo ayaa sheegay in Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ay uga mahadcelinayaan qorshaha ay ku dhisayso xabsi weyn oo laga hirgelinayo Gaalkacyo, kaasi oo uu sheegay inay baahi weyn u qabaan.

Siihayaha Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo, waxaana uu intaa ku daray in muddada ay joogaan Gaalkacyo ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Mudug.