Sidee Soomaaliya sanad kahor uga badbaadey xukun milatari?

Reading Time: 2 minutes

Maanta oo kale sanad ka hor 19-kii Febraayo 2021, waxaa laga hortagay bilowga qorshe madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku doonayay in uu samaysto muddo kordhin iyo in uu dalka ku soo rogo xukun milatari.

Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa xilligaasi adeegsaday awood ciidan si ay arrinnkaas u hirgeliyaan, iyaga oo isku dayay khaarijinta madax hore iyo siyaasiyiin oo lagu weeraray Hotelkii ay degenaayeen iyo bannaan bax ay hoggaaminayeen.

Madaxweyne-yaashii xilka ugu horeeyay Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo wehliyo gudoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu weeraray hotelka Maa’ida magaaladda Muqdisho iyada oo halkaasi lagu dilay qaar ka mid ah askartii waardiyaynaysay madaxda.

Ciidan Haramcad iyo Gorgor oo ciidan “naxariis daran” oo Farmaajo u adeegsado ujeedooyinkiisa siyaasadeed ayaa lug lahaa weerarka oo dhacay saqdii dhexe ee 19 February 2021.

Isla 19 February, subaxnimadii khamiista ciidano kale oo Farmaajo ka mar qaata ayaa rasaas nool nool ku furay boqolaal shacab ah oo ay horkacayeen Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo masuuliyiin kale.

Banaanbaxa ayaa lagu dalbanayay in ay dalka ka dhacdo doorasho heshiis lagu wadayahay ka dib markii Farmaajo ku guuldaraystay in uu dalka ka hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda horaanta 2021.

Sanad kadib kooxdii qorshahaas dejisay oo fulisay waxay raadinayaan xildhibaannimo iyaga oo ku taammaya in ay ka badbaadin doonto eedaha loo heysto ee mu’aamaradihii ay maleegeen.

Saraakiishii kiisaskaas ku lugta lahaa ayaa qaarkood noqday xildhibaano ka dib cadaadista madaxda maamulada qaarkood Farmaajo ku saaray in ay xildhibaano ka dhigaan sida ay uga dhuuntaan in sharciga la horkeeno.

Balse dad badan ayaa iswaydiinaya in xasaanadda xildhibaanka gabbaad u noqon karto falalkii dhacay mise waa taagnaan doonaan ilaa laga yagleelo dowlad soo socoto.

Farmaajo ayaa qayb ka noqday Isbahaysiga saddex geesoodka ah ee xasillooni darada ka wada Geeska Afrika oo wehliyeen Abiy Ahmed iyo Afwerki – aabihii isbahaysiga oo xukumayay Ereteriya bilaa dastuur ama hal doorasho ku dhawaad 30 sano.

Aqoonta hoggaamineed ee Afwerki, waa siyaasad ciidan, waxa uu ku qasbay boqolaal kun oo dhalinyaro ah in ay dalka ka haajiraan ama ku biiraan ciidanka Milatariga. Xaaladahaani waxa ay mucaaradku ku sheegeen wax aan macquul aheyn.

Farmaajo, waxa uu marmarsiyo ka dhiganayay in uu Soomaaliya u diyaarinayo doorashadeedii ugu horreysay oo toos ah dhawr iyo toban sano.

Taabadalkeed, wuxuu iskudayay inuu udub dhexaad u noqdo awoodda dowladda federaalka, taas oo keentay isku dhacyo kaladuwan dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland, inkastoo uu ku guulaystay in uu maamulo taabacsan oo xoog lagu dhisay uu ka hirgaliyo Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Farmaajo waxa uu waqtigiisu ku ekaa bishii Febraayo, isagoo raacaya tusaalaha xulafadiisa gobolka, wuxuu u kordhistay labo sano oo dheeri ah.

Taasi waxa ay horseeday qalalaase dastuuri ah iyo isku dhac hubaysan, oo ugu dambeynti ku qasbay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya in ay joojiyaan muddo kordhintiisa.

Waa madaxweynihii ugu horreeyay tan iyo markii howsha dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya ay billaabatay 2004-tii isku dayay inuu xafiiska sii joogo ka dib markii waqtigiisu dhammaaday.