Sidee RW Rooble ku tegay Xafiiskii ay ka qabsadeen Ciidamo ka Amar qaata Farmaajo..?

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa tegay xafiiskiisa, kadib markii ay la wareegeen ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Rooble oo ay wehliyaan, kuxigeenkiisa, qaar ka mida taliyayaasha cidimada ayaa socod lug ah ku galay xafiiskiisa, markii ay hor istaageen ciidamada ka amar qaata Farmaajo, waxaana uu jebiyay xayiraadii la saaray xafiiska.

Farmaajo ayaa isku dayey inuu joojiyo shaqada Xafiiska Ra’iisal wasaraha, isla markaana aan kala diraan Shaqaalaha xafiiska, laakiin tallaabadaasi ayaa markii dambe fashilantay.

Rooble ayaa xafiiskiisa gaaray, isagoo bilaabay shaqadiisii caadiga ahady, waxaaan qoraal uu soo saaray uu ku sheegay in Madaxweynihii hore ‘Farmaajo’ uu ku fashilmay afgembi uu isku dayey, ayna sharci darro tahay wareegtada uu shaqada uga joojiyay.