Sidee loo xaday $42M Canshuurta looga qaaday Gobolka Banaadir ee lagu faanayey?

Reading Time: 3 minutes

Waxaa joogto noqotay inuu Wasiir Beyle been joogto ah u sheego sharcbiga isagoon wax xisaab celin ah la iman goalah hortooda. Wasiirka waxaa uu mar waliba dhaqaalaha dalk  ka sheegaa inuu horumar badan sameeyey laakiin dhinaca uu horumarka ka smeeyey ma sheego. Waa dhab inuu lacago badan ka qaaday ganacsatada Somaliyeed ee gobolka banadir oo kaliya iyo dadka shacbka oo jidadaka jidgooyin loo dhigto iyo iyagoo haddii ay musqul k duntaa aysan dhisan Karin ilaa isaga iyo yariisow ay lacag siiyaan maahee waana waxa ka keenaya xanuunka baahsan ee hadda ka jiraa magaalada Muqdisho taas oo u dhow inay hal maalin qaraxdo.

Markii uu xildhibaanada hortagay waxay ahayd inuu Wasiir Beyle mid mid uga jawaabo eedeyamaha loo soo jeediyeyhaddii ay sax yihiin waxa uu sheegayo, hasa yeeshee waxaa uu garan waayey $50 Milyanka a timid Sacuudiga ee dalka lagu fasahaadiyey sida uu u kala qarsaday waxaanu ku wareejiyey Bangiga dhexe inay sheeg sheegaan sida uu u kala maareystay. Laakiin ilaa iyo hadda lama hayo meelaha ay ku baxeen.

Marka la eego habraaca maaliyadeed ee dalka waxaa iyana u baahan in l caddeeyo in Bangia dhexe uu yahay khasanadii Beyle oo ay amarkiisa ku shaqeeyo iyo inuu yahay xafiis ka madax bannaan wasaaradda Maaliyadda. Waxaana xildhibaanada laga raabaa inay arrintaas dood ka geeyaan golaha shacbiga, inkastoo goluhuba uu u muuqdo goob ay dawladda hantiday oo waxa ay rabto oo kaliya ay ka socon karaan.

Waxaa jira dad wax og oo hay’adaha dhaqaalaha iyo sida ay uwada shaqeeyaan iyo kala madax bannaantooda waa in lala kaashadaa sidii loo caddeyn lahaa waa in loo noqdaa sharciyada Maaliyadda iyo kuwa distuurkaba haddii u wax ka sheegayo.

Rag badan oo ay dawladda saaxiib la ah ayaa lagu hayaa hoteello la rabo in loo lacageeyo. Xissabta inta ay dawladdni jirtay ku baxday u daneynta labadaas koox hoteeladooda, kuwa uu Beyla dego 5 starska ah  iyo tikidda first Class waa  $10M.

Waxaa lacago badan oo $5M ah ay dawladda ku bixisay sidii loo dumin lahaa Galmudug rabbi mahaddii garaadka reer Galmudug oo koray iyo taageerada oo lagala noqday qaswadayaashii, walow ay wali maamulka ka mid yihiin haddana GalMudug wali waa jirtaa.

Dawladdu waxay lacag aad u badan oo laaluush ku bixisays idii gacanta loogu dhigi lahaa golaha shacbiga, waana ku guuleysatay iyadoo isticmaashay lacag ilaa $5M ah. Lacagtaas waxaa ujeedkeedu ahaa in lagu rido Gudoomiyihii hore galaha shacbiga Maxamed Sh Cusman Jawaari oo xataa la aaminsan yahay inuu u hiilliyey markii Farmajo la dooranayey.

Waxaa haddana intaas ka daran $10M ayaa lagu bixiyey sidii loo keensan lahaa guddoomiye maqaarsaar ah oo ogolaan kara waxkasta oo ay dawladda waddo kaasoo saxeexa warqaddii uu Jawaari diiday.

Dawladda waxay si aan caadi ahayn u isticmaashaa laamaha warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo baraha bulshaada waxaana TV-yada, braha bulshada, heeso amaan ah, koox qaaqlayaal ah oo ay dawladda laaluushto si ay mar waliba u difaacan lagu bixiyaa lacag aad u badan oo isu geynteedu ay cagacageyneyso ilaa $7M.

Waxaa sii qoyan lacagtii shariif Xasan lagu bixiyey, laguna sagootiyey oo la leeyahay waa $4.2M iyadoo intaas milyan lagu bixiyey sidii loo kaa daadin lahaa reer K/Galbeed.

Haddaba lacagahaan khasaarada ah marka la isu geeyo waa $41M, waxaana Haantidhowrka guud iyo guddiga maaliyadda barlamanka laga rabaa inay lacagahaan xisaabo cad ka keenaan iyagoo ku eegaya inay laacagahaan ka amid ahaayeen miisaaniyadda iyo qoondada ay Barlamanka ansixiyeen.

Waxaa intaas ka daran shacbiga gobolka Banadir ee laga qaaday $42. Ha ogaadaano Meesha ay lacagtooda ku baxday iyo in loo adeegsaday in lagu biilo kooxo gaar ah sida Cabdi Shire Ciyaar Jecel, Cawil Dahir, Amin Camir, Godax, Jeesow, Awliyo, facebook iyo kuwa kale oo badan oo ay xataa shisheeye ku jiraan.

Dhinaca kale waxay dawlaadda awood u siiyeen canshuurahaas inay burburiso golaha shacbiga oo haddii aysan lacagtaas haysan lahayn aysan awoodi lahayn inay hawshaas fushato oo ay hay’adahaas burburiso.

Haddaba shacbiga waxaa la gudboon:

  1. Inay dawladda ku qabsadaan inay xisaab u keento halkii ay canshuurtooda ku bixisay, waayo Xamar baa baa wasakh, waa Mugdi, waa biyo la’aan, waa xaruun cafaimaad darro, waana meel ay Aad u adag tahay inay shacab ku noolaadaan.
  2. Canshuurtaas oo qof waliba ku culus looma bixinin in lagu tunto ama igu sawir, iyo i amaan looma bixin ee waxay dadku bixiyeen in shacbiga bixiyey wax logu qabto.
  3. Haddii ay keeni weyso dawladdu waa in canshuurta ka joojiyaan waayo canshuurtooda ayaa dhib uga imanayaa oo hay’adiihii qaranka lagu duminayaa, waxaana Jamhuuriyadda inteeda kale ay xataa ku eedi kartaa war maxaad canshuurta ay wax ku halleyneyso dawladdan faasaqiinta wax fasahaadiya ka kooban ugu daldaleysaan?