Sidee lagu joojin karaa kutagrifalka lacagaha la siinayo Madaxda D. Goboleedyada?

Reading Time: < 1 minute

Wasiirada maaliyadda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo wehelinayo gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socday Muqdisho ayaa maanta gaaray heshiis maaliyadeed oo la xiriira deeqaha dibada.

Sida ku cad heshiiska deeqaha dibada ayaa dowladda federaalka loo qoondeeyay 60%, halka dowlad goboleeyada iyo gobolka Banaadir loo qoondeeyay 40%.

Sida caadada ah lacagaha la siiyo dowlad goboleedyada waxaa sida ay doonaan u isticmaala iguana tagrifala madaxda dowlad goboleedyada iyada oo aysan jirin la xisaabsan ah habka lacagtaas loo istcimaalay.

Dowlad Goboleedyada qaar maba laha baarlamaan ama Gole Wasiir oo kulma isakaba daa inay la xisaabtamaan madaxda dowlad goboleedyada.  Dhanka madaxda Dowlad Goboledyada ayaanba ka xishoon inay ku fanaan inay lacagahaas masuq-maasuqaan.

Naxiib xumo dowladihii federaalka ee isaga danbeeyay dalka dhamaantood raali ayaa ay ku hayeen ku tagrifalka lacagahaas madaama iyaga laftoodu aysan lahayn baarlamaan la xisaabtama.

Heshiiska dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxaa ka maqnayd Puntland oo aan ka qaybgelin shirkaas.