Siciid Deni oo dadka magaalada Qardho si weyn u soo dhaweeyeen (daawo sawiro)

Reading Time: < 1 minute

Dadka reer Qardho ayaa si fiican u soo dhaweeyeen willkooda Saciid Deni. Boqolaal ka mid ah dadka reer Qardho  ayaa Musharax Siciid Cabdullaahi Deni maalintii dooraad  si weyn ugu soodhaweeyey Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar, waxaana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay isimada, Nabadoonada,Siyaasiyiinta,Ururada Haweenka,Ururada Bulshada, iyo waxgarad kala duwan.

Musharax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Khudbad kooban u jeediyey Boqolaal qof oo sidoo kale isugu soo baxay Banaanka hoolka Beeyada Magaalada Qardho.

Musharax Siciid Deni ayaa ka Mahadceliyey sida weyn ee loo soo dhaweeyey “Aad ayaa ugu faraxsanahay sida la iigu soo dhaweeyey Magaalada Qardho, Saaka halkaan waxaan si Nabadgalyo ah isku weydaaranay Madaxweynaha hadda ee Puntland, Insha’allaah  Madaxtooyadana sidaas oo kale ayaan isku weydaaran doonaa si nabad ah”

Sawirada soo dhaweynta Saciid Deni: