Shirweyne looga hadlayo Amniga oo ka dhacaya magaalada Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo dilalka ka dhaca Laascaanood bilihii ugu danbeeyay ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxa maanta ka furmaya shirweyne ku saabsan Amniga magaalada. Shirkan waxa ku baaqay Odayaasha dhaqanka iyo Isimada Gobolka Sool, waxaana ka qayb-galay qaybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Laascaanood.

Odayaasha dhaqanka qaarkood, ayaa sheegay in shirkan aysan ka qayb-geli doonin cid ka socota mas’uuliyiinta Somaliland. Shirkan ayaa looga tashanayaa Amni-darrada ka taagan degmada Laascaanood iyo dilalka qorshaysan ee ka socda halkaas.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!