Reading Time: 5 minutes

Shirwaynaha wadatashiga beel-weynta Soomaaliyeed Xawaadle oo socday muddadii u dhexeysay 12-13 Febraayo 2020, laguna qabtay magaalada Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyay.

Shirweynahan oo ay beeshu uga  tashanaysay aayaheeda iyo mustaqbalkeeda siyaasadeed iyo kan horumarineed ee kaga aaddan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee ay beeshu ka kooban tahay, sida madax iyo shacab.

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
349 days
22 hours
55 minutes
32 seconds
War murtiyeed lagasoo saaray shirkaan ayaa lagu sheegay in beeshu ku dulman tahay dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Hirshabelle, iyadoo wakiilada umatala ugu baaqday inay ku dadaalan sidii loosoo celin lahaa xuquuqda kaga maqan qaranka.

Beesha waxay kaloo isku raacday in la helo Hirshabeelle loo dhan yahay, iyadoo wadatashi ugu baaqday beelaha ku midaysan Hirshabelle.

Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka lagasoo saaray.

Shirwaynaha wadatashiga beel-weynta Xawaadle oo socday muddadii u dhexeysay 12-13 Febraayo 2020, laguna qabtay Hotel Giyaajo ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre, Xildhbaanada labada aqal ee JFS, Wasiirada iyo Xildhibaannada Dowlad Goboleedka Hirshabeele,  siyaasiyiin, aqoonyahanno, mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha kala duwan ee  dowladda, Saraakiisha sare ee ciidamada qalabka sida, ganacsato, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyaradda iyo qeybaha kale ee bulshada beel-weynta Xawaadle. Ujeedka shirweynahaan ayaa ahaa in ay beeshu ka tashato aayaheeda iyo mustaqbalkeeda siyaasadeed iyo kan horumarineed ee kaga aaddan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa Shirka lagu daah-furay aayadaha Qur’aanka Kariimka, waxaana si wadajir ah loo wada ansixiyey Qodobada  Shirweynaha, kuwaasoo kala ah:

a)    Xuquuqda beel-weynta Xawaadle uga maqan Dowladda FS
b)    Doorka beesha ee kaga aadan Dawlad-Goboleedka Hirshabeelle.
c)    Dhismaha Dowaladaha Hoose,
d)    Fatahaadda Beledweyne ee Wabiga Shabeelle,
e)     Dhammeystirka Garoonka Diyaaradaha ee Beledweyne, iyo kuwa kale.Falanqeyn iyo dood dheer kadib  beel-weynta Xawaadle waxay isku raacday arimahan:-

1.    Xuquuqda beesha uga maqan JFS

Waxa ay beeshu si weyn uga doodday xuquuqda kaga maqan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in aanay ku lahayn matalaad u dhigan tahay mugga iyo miisaanka beesha, sidaa darteed waxay isku raacday
•    In Wasiirka iyo xubnaha labada aqal ee dowladda ku matala beesha ay u istaagaan, kana shaqeeyaan sidii ay beeshu u heli lahayd xuquuqda ay ku leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo gobolka Banaadir
2.    Siyaasadda beesha ee ku aaddan Hirshabeelle
Billowgii hore ee dhismaha Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle oo aanay beeshu si mug leh uga qeyb gelin,  tirada dadkii wax u doontayna qiyaas ahaan aanay ka badneyn 10% , waxaa la is tusay in ay beeshu tashato kana qaadato go’aan iyo aragti mideysan oo ku aaddan Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, iyadoo wadatashi dheer kadib ay isku raacday sida soo socota:-
•    In ay wada hadal cusub la yeelato beelaha Hirshabeelle ee kala dhexeeya wax wada qeybsiga, oo ay ugu horreeyaan kuwa la dega Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe si loo helo Hirshabeelle oo caafimaad qabta loona wada dhan yahay
•    In ay beeshu si buuxda uga hesho xuquuqda kaga maqan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo dhammaan gobollada kale oo ay beeshu degto.3.    Dhismaha Dowladaha Hoose
Dhismaha dowladaha hoose waxa uu udub dhexaad u yahay horumarka bulshada si taa loo xaqiijyo loona taabo geliyo golaha deegaanka waxay beeshu soo jeedineysaa
•    In la dardar geliyo dhismaha golaha deegaanka ee degmooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle
•    In la ilaaliyo midnimada iyo walaaltinimada ka dhexeysa bulshada wada degtada Hirshabeelle
4.    Horumarinta degaannada Hirshabeelle
Dhibaatooyinka ka jira deegaannada Hirshabeelle sida fatahaadda webiga Shabeelle, dhammeystir la’aanta gegida caalamiga Beledweyne ee Ugaas Khaliif iyo garoomada kale ee gobolka sida tan Bulo-burte, dhismaha iyo dayactirka waddooyinka Hirshabeelle, gaar ahaan kuwa magaalada Beledweyne ayey beeshu ka doodday sidii xal loogu heli lahaa.
Waxa ay beeshu is dul taagtay sababaha keenay in wax laga qaban waayo fatahaadda soo noq-noqotay ee webiga Shabeelle oo la ogyahay ama la filan karo inuu fataho sanad walba, khasaaraha uu geystana 30-kii sano ee la soo dhaafay ay isa soo tareysay, iyadoo la ogyahay in dhaqaale deeqbixiyayaasha caalamka ka imaanayey kuna imaanayey in fatahaadda wax looga qabto, soona gaarayey Dowlada FS aan laga siin qeybtii ay mudnaanta gaarka kaga lahaayeen Qaranka Soomaaliyeed
Si wax looga qabto arrimaha fatahaadaha kor u kaca sameeynayey sanadihii ugu dambeyay ee lasoo dhaafay, waxay beel-weynta Xawaadle soo jeedineysaa talooyin dhaxal gal u noqon kara wax ka qabashada fatahaadda sida:-
•    In ay beeshu kala xisaabtanto, deeqahaas xukuumadda FS iyadoo u mareysa Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, si deeqahaas loogu soo celiyo qabashada howlihii loogu tala galay, sida fatahaadda iyo dhammaystirka garoonka Beledweyne.
•    Beeshu waxa ay aad uga xun tahay xirnaashihii garoonka diyaaradaha Beledweyne ee Ugaas Khaliif kaas oo xirnaa xilliyadii fatahaadda roobab xooggan daraadood, halkaas oo ahayd meesha kaliya ee gurmadka uga imaan lahaa dadkii ay fatahaaddu saameysay.
•    In la dejiyo qorsho lagu mideynayo dhaqaalaha (Regional Contribution Plan) ee loogu talla-galay arrimaha fatahaadda iyo dhammaystirka garoomada diyaaradaha,  ayna ka wada shaqeynayaan Dowlad Goboleedka Hirshabelle Deeq-bixiyaasha, Ganacsatada iyo Qurbajoogta Hirshabeelle.
Waxay beeshu u mahad celineysaa dhammaan inta ka qeyb qaadatay gurmadkii fatahaadda ee magaalada Beledweyne, sida  Ummadda Soomaaliyeed meel walba ay joogto iyo beesha caalamka5.    Arrimaha Amniga
Waxaan qirsannahay in caqabado badan uu ka jiro dhanka amniga guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan qeybo ka mid ah deegaannada Hirshabeelle iyadoo ay sanooyin badan go’doonsan yihiin, sidaa darteed waxay beeshu soo jeedineynaa
•       In dib u xorreyn dhab ah laga sameeyo guud ahaan deegaannada gobolka.
•    In Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedka Hirshabelle sida ugu dhaqsaha badan isaga kaashadaan dib u xoreynta degmooyinka Hirshabeelle ee go’doonsan.

Ugu dambeyntii waxay beeshu isku raacday in 15 Maarso 2020 shirka wajigiisa labaad uu ka dhaco magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here